|

‘’Anigu intaan idin soo Qaado Janada idin Gelin Maayo,Timaha waan Xiirayaa,Surwaalka aad Xidhataan Mid ka adag ayaan idiin Xidhayaa’’ Gudoomiye Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 27. July 2017 (SDN/QJ):- Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye,Madax Iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Xukuumadda ayaa ka qayb galay Xaflad loo sameeyay Urur dhallinyaro oo ka dhisan Caasimadda hargaysa oo lagu Magacaabo Midnimo oo ku biiray Xisbiga Kulmiye.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey xafladda, ayaa sharraxay sida ay dhallinyaradu tiir-dhexaadka ugu yihiin horumarka dalka iyo sida looga baahanyahay inay naftooda u huraan, uguna adkaystaan caqabadaha nololeed ee horyaalla, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dal walba dhallinyaradiisaa dhista, Somaliland-na haddii ay isku tashato oo ay dhallinyaradeedu hawl u diyaargaroobaan meel weyn baynu gaadhaynaa, dhallinyaradana waxa laga rabaa naf-hur shaqo, xaglo-laabanna xoolo kuma yimaadaane tilmaanta aan idin siinayaa waa inuu ugu horrayn qofka dhallinyarada ahi noqdaa qof naftiisa ka adag, haddii aanad naftaada ka adkayn oo mar Mijin Qaad ahi ku qaaddo oo mar qabyaaladi ku qaaddo oo murugadu kaa adkaato oo albaababka kugu soo xidho waligaa meel ma gaadhaysid.”

Guddoomiyuhu waxa uu ku dheeraaday tusaaleyaal nool oo uu dhallinyarada ka siiyey sida ay horumar ku gaadheen dalal badan oo dunida ah oo ay ka mid yihiin Japan, Jarmalka iyo Shiinaha oo waqtiyo badan hore dhibaatooyin adag soo maray, balse tacab iyo dadaal badan oo ay sameeyeen jiilal iyo da’yartoodii ay ku gaadheen horumar ay maanta dunida ku hoggaaminayaan.

“Dhallinyarow ku talogala inaad idinku tacabtaan oo dhibaatootaan oo tacabka aad qabanaysaan noqdo mid aan dhaqaale laga doonaynin iyo mushahar, haddii waddo la dhisayo aad muruqiina ku dhistaan, haddii beer la qodayo aad muruqiina ku qoddaan idinka oo aan mushahar u eegaynin haddii aad helaysaan wax aad cuntaan oo haddii beer la qodayo aad qoddaan oo haddii balliyo la qodayo aad qoddaan, mushaharka iyo noloshana waxa heli doona ka aad dhasho iyo ka dambeeya ee uu dhali doono, haddii aad sidaa u shaqayn weydana adiguna waxba tabcanmaysid oo gidaar baad fadhiyi kuu dhalo iyo ka uu sii dhalaana gidaarkaas buu fadhiyi doonaa, waxa aynu ku tashanaynaa inaaad adigu tacabto oo aanad dheef doonin ee aad mustaqbalka soo socda  sidaas ayuuna dal ku dhismaa,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Murrashax Muuse Biixi waxa uu da’yarta uga digay inay nolosha ka quustaan, waxaannu su’aal ka keenay faa’iidooyinka ay gaadheen kuwii naftooda halligay ee badaha kaga tallaabay, isagoo taxay dhibaatooyinka dhallinyartii tahriibka galay waqtigan ku haysta dalalka shisheeye ee ay ku nool yihiin, waxaannu yidhi, “Dhallinyarada maanta laba qodob baan uga digayaa laba qodo oo kala ah mukhaadaraadka oo uu Qaadku ugu horreeyo iyo quusta, qofkuna marka uu quusto ama daroogo ayuu isku mudaa ama wuxuu yidhaahdaa waan tahriibayaa waalidkii dhalay buu ka nixiyaa, laakiin dhoofkii iyo tahriibkii maxaa laga helay? Dadkii dhoofay warraysta, inta wax ka baratay ama ka xoogsatay boqolkiiba toban (10%) ma gaadho, nin waliba halka uu tegay naftuu kula tacaalay, waliba waxa intaas u dheer kuwa uu dhalay ayuu ka baqanayaa inay isku qolo noqon doonaan iyo inay kala qolo noqon doonaan, inay isku Diin noqon doonaan iyo inay kala diin noqon doonaan.”

Ugu dambayntii, waxa caddeeyey in haddii uu isagu ku guulaysto talada waddanka uu hawl iyo shaqo adag galinayo dhallinyarada oo uu cadyahay mabda’iisu ee aannu been u sheegayn dhallinyarada iyo codbixiyayaasha.

“Dhallinyarow aynu isugu nimaadno hawl, ninka dhallinyarada u haya mushahar badan iyo baabuur badan meesha uu ka keenayo xisbiga keenayaa aniga ha ii sheego, tacab, dhidid iyo dhib baa inoo ballan ah haddii kale meel ma gaadhayno, mabda’a aynu isugu nimi waakaa, annagu odhanmayno togag janno ah baanu soo rogaynaa, janno idinma durduurinayo ee hawl buu idin galinayaa KULMIYE,” ayuu ku soo ururiyey hadalkiisa Md. Muuse Biixi Cabdi.

Comments are closed