|

“Anigu Haddaan Xasan Sheekh Arko Toos-baan Ula Fadhiisan Lahaa, Waayo? Sharci Ii Diidayaa Ma Jiro………” Cali-gurey

Hargaysa 06. January 2017 (SDN/QJ):- Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay inaanu jirin Sharci u diidaya inuu Muqdisho tago oo uu la fadhiisto Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Cali Gurey oo Telefiishanka Star waydiiyey siduu u arko eedaymaha uu Xisbiga KULMIYE u jeediyey Xisbiga WADDANI ee la xidhiidha in Hoggaanka WADDANI la kulmay Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa ku jawaabay in Dadka Soomaaliyeed ee Xamar, Muqdisho, Jigjiga iyo Jabuuti aanay cadow ahayn ee uu la kulmi karo, isla-markaana aanu jirin Sharci Somaliland leedahay oo u diidaya.

Mujaahid Cali-gurey oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Anigu waxaan ahay Soomaali, Soomaaliduna waa ii Soomaali, Reer Soomaaliya waan jecelahay, kuwa Kililka ayaa jecelahay, kuwa Jabuuti ayaan jecelahay oo Cadow iima aha.”

Cali-gurey wuxuu sheegay in aanu jirin Sharci u diidaya inuu la fadhiisto Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, “Anigu haddaan arko toos baan ula fadhiisan lahaa Xasan Sheekh, Waayo? Sharci ii diidaya oo Somaliland leedahay ma jiro.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Subaxda ayaan halkaa Diyaarad ka raaci karaa oo aan Muqdisho tagi karaa, Sharci ii diidayaa ma jiro.”

Comments are closed