|

“Anigu Duudmo Kuma Maqni, Ismanna Casilin..” Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Mr Qabo

Burco 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Badhasaabka gobolka togdheer Maxamed Ibraahim Aadan “Qabo” ayaa beeniyay warar been abuur ah oo ay ka baahiyeen warbaahinta qarkood isla markaana sheegaya inuu gudoomiyuhu istaaqalad u gudbiyay madaxwaynaha somaliland taasoo ku saabsan inuu iska casilay xilka gudoomiyaha gobolka togdheer,

QABOGudoomiyaha oo warbaahintu wax ka waydiisay inuu iska casilay xilka gudoomiyenimo ayaa sheegay inuu warkaasi yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn isla markaana aanay jirin wax istaqaalad ah oo uu u gudbiyay madaxwaynaha.

Waxaana gudoomiyuhu isagoo ka hadlaya uu yidhi sida tan”Waad mahadsan tihiin warbaahintiina ila soo xidhiidhay,lakiin waa nasiib darro in warbaahinta qarkood ay faafiyaan warar been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo waxa dhagahayga kusoo duulayay in warbaahinta qarkood qoreen inaan istiqaalad u gudbiyay madaxwaynaha somaliland taasina ma jiraan warbaahinta daabacaysa taasina waxaan leeyahay waxay ku tahay warbaahinta somaliland dhabarjab” ayuu yidhi gudoomiye Qabo

Badhasaabka togdheer oo sidoo kalena ay warbaahintu waydiisay inuu ka gaws adaygay inuu xilalka u kala wareejiyo xoghayihii hore ee gobolka togdheer iyo ka cusub,isla markaana gobolka kaga maqan yahay cadho ayaa waxa uu kaga jawaabay” Anigu duudmo kagama maqni magaalada burco ee waxaan ku maqanay hawlo shaqqo,xoghayaha cusub iyo kii horena  insha allah waxaan u kala wareejin doona xilalka markaan imaado”

Comments are closed