|

“Anigu Awaaraan Ku dhashee suurtogal ma noqonaysaaa inaan idhaahdo CIIDA-GALE state baan halkaas ka samaynayaa, cali khaliifna waa shakhsi yar oo…”Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa:Aug,29,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal cali Waraabe ayaa markii ugu horrayssay ka Hadlay Dagaalka ciidanka qaranku ku qabsadeen magaalada Saax-dheer, isagoo sidoo kalena ka jawaabay dhawaaq Qaramada midoobay, maraykanka iyo Midowga yurub si wada jir ah ugu baaqeen in Somaliland ka soo baxdo Deegaanka ay shalay gashay.

faysal caliFaysal cali Waraabe oo la Hadlayey idaacada VOA-da ayaa sheegay inay waajib ahayd in ciidanka qaranku qaadaan tallaabadaas, isla-markaana ay ka hortagaan fadqal-lada kooxda Cali Khaliif Halkaas ka wadday.

Faysal waxa uu sheegay in uu ka xun yahay shacabka dhintay, balse ay Gootu noqotay Bahalo-galeen ay khasab noqotay in tallaabo laga qaadaa,

“aad baan uga xumahay dadkii dhintay waanan tacsiyadaynayaa waxay noqotay meeshu bahalo galeen markii meeshii ay saddex diyaaradood yimaaddeen waxanu u aragnay in jiritaanka iyo nabadda ay khatar ku tahay meeshaashaasi.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal ayaa mar uu ka jawaabayey Baaqa ka soo baxay wakiillada ku  baaqay in Somaliland ciidankeeda kasoo saarto saax-dheer, waxa uu sheegay inaan Somaliland ahayn dad wixii la doono loo yeedhiyo oo iyadu horumarka ka muuqda qabsatay, waxana uu yidhi,

“beesha caalamku waxba anaga nooma qabto dalkanina dal burburay buu ahaa oo dadkiisaa dhistay xaqna nooguma laha inay wax noo yeedhiyo. midnimada Somalia in Somaliland loosoo gudbiyo ma fiicna, laakiin hadda waxa muuqata in  somaliland lagu celiyo halka somalia joogto”

Faysal waxa uu sheegay in shacabka halkaas deggen laga talinayo Horumarkiisa  iyo waxtarkiisa, isla-markaana dhibka gaadha uu masuul ka yahay Cali Khaliif, waxana uu yidhi,

“dadkaani waa dad Somaliland ah oo aanu doonayno inaan horumar gaadhsiino, laakiin waxa canaantu saartahay nin muqdisho ka yimi”

Faysal oo ka jawaabayey inuu Cali Khaliif u dhashay deegaanka, isla-markaana xaq u leeyahay inuu maamul samaysto, ayaa sheegay inaanay suurtagal ahayn in qof waliba halkii uu ku dhashay inuu rabitaankiisa kaga hirgeliyo maamulka uu doonayo,

“Anigu Awaaraan u dhashee suurtogal ma noqonaysaaa inaan idhaahdo ciidagale state baan halkaas ka samaynayaa, cali khaliifna waa shakhsi yar oo aan waxba ka Ahayn Beeshiisa.”

Hadalkan kasoo yeedhay Eng. Faysal cali waraabe ayaa kusoo beegmaya xilli aanay dawladda Somaliland wali wax hadal ah ka odhanin  sababta keentay inay weerar ku qaaddo Deegaanka Saax-dheer, marka laga reebo Taliayaha Guud ee Ciidanka qaranka oo isagu sababta ku  sheegay hub halkaas lagaga soo daabulay dhinaca Somalia.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed