|

“Anigu amarkan waxaan u maleynayaa inuu ka soo baxay kijinka madaxtooyada Somaliland xukuumadu ha cadeyso inay gabiley ka tirsan tahay Somaliland iyo inay” Marwo Faadumo Siciid Xoghayaha Maaliyada Ucid Sawiro

Hargaysa 04.Dec 2013 (SDN)-Musharax madaxweyne mino ee xisbiga ucid aqoonyahan Jamaal cali xuseen iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa ciidanka boolisku ku joojiyeen kaantaroolka cabula, waxaan ciidanka boolisku u sheegeen inay iyagu amar haystaan taliyaha qaybta gobolka gabiley oo ay weheliyan taliyeyaash kala duwn ee saldhigyda gobolka gabiley.

Jamaal cali xuseen oo warbaahinta saaka halkaasi kula Hadley Degmada Arabsiyo ayaa ka warbixiyay Nuxurka Socdaalkooda iyo aragtidooda la xidhiidha in laga Joojiyo Gobolka Gebilay isagoo sheegay  inuu u socdey sidii uu xubnihii xisbiga ucid ee gobolka gabiley ay ugu magacaabilayeen xubno cusub qar ka mid ah degmooyinka gobolkana ay booqasho ku tagilahaayeen waxaanu yidhi” Runtii aad baan uga xumahay inaan ina la yidhaa gobolkii gabiley galimaysaan si aanu nahay dad ajaanib ah, waxaanu u soconey sidii aanu ula kulmilahay xildhibaanayadii iyo tageerayshayadii oo aanu uga wada tashan lahayn sidii loo magacaabi lahaa gudoomiyihii iyo ku-xigeenkii, xoghayihii xisbiga ucid ee gobolka gabiley iyo sidii boqolkaygii dhinacyaga ahaa ee golaha dhexe ee aan hore reer gabiley ugu balan qaadey Aanu u dhisi lahayn runtii anagu sida aan u socono ayaa laga garanayaa inaan kaabeyn u socon, waa markii ugu horeysay ee ay arintani oo kale ka dhacdo somliland.”ayuu yidhi Jamaal cali xuseen .

Xogayaha maaliyada xisbiga ucid marwo faadumo siciid oo halkaasi ka hadashay ayaa ka dhawaajisay inay xukuumadu cadeyso inay gabiley Somaliland ka tirsn tahay iyo inkale waxaan ka mid ahaa hadaladeedii”aniga horta xaleybaa la ii sheegay waa tii aamin maxamuud diiriye iyo marwo aamin waris oo wada socdaa ay gabiley kaga dhawaaqeen inaan soo gali Karin, anigu amarkan waxaan u maleynayaa inuu ka soo baxay kijinka madaxtooyada Somaliland xukuumadu ha cadeyso inay gabiley ka tirsan tahay Somaliland iyo inay dalkale ka tirsan tahay, “ayey tidhi faadumo siciid .

11203041255_b699183599 (1) 11203041255_b699183599 11203043275_7591b88ca1 (1) 11203043275_7591b88ca1 11203067564_875fa8aeea 11203075576_cd73347f9c 11203076844_6dbc164dbe 11203077954_b3c384ccf5 11203082445_47e8d1b24b 11203084645_407f10fc2b 11203096164_467626a125 11203107756_fc86b17064 (1) 11203107756_fc86b17064 (2) 11203107756_fc86b17064 11203165433_296b071d32 11203186353_7deebd6181

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed