“Anigaa Madaxweyne Khaatumo u ah oo wada-hadal aanu Somaliland la leenahayna ma jirto.” Prof. Cali Khaliif.
Muqdisho:Jully,18,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dibad-wareegga ah ee Maamulka KHaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa ma Ka hadlay warar sheegaya inay wada-hadal la fureen Somaliland, waxana uu sheegay inaanu jirin wax wada-hadal ah oo haatan jiraa.
Cali khaliif oo la hadlay warbaahinta Munaasibadda Ciidda Awgeed, ayaa tilmaamay in wararka soo baxaya ee sheegaya inay jiraan wada-hadal maamulkiisu la furay Somaliland iyo Puntland yahay waxba kama jiraan been abuur ah.
Cali Khaliif oo arimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi, “Haddaad meelahaas ka maqashaan Khaatumo madaxdeedii Somaliland, ama Puntland ayey wada hadal la leeyihiin waa been, Anigaa Madaxweyne Khaatumo u ah wada-hadal aanu Somaliland la leenahayna ma jirto.”
Prof. Khaliif waxa uu sheegay inay si gaar ah iskugu hawlleen inay wada-hadal la furaan Maamulka Puntland, balse ay taas ku guuldarraysteen,
“Wada-hadal aanu Puntland la yeelano inkastoo aanu aad iyo aad iskugu mashquulinay Haddana waxanu ka joognaa Faro madhan.” Ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh.
Dhawaan ayey ahayd markii Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax uu sheegay inay dhawaan wada-hadal la furayaan Hoggaanka Maamulka Khaatumo, balse warkaas waxa Haatan Meesha ka saaray Cali Khaliif oo isagu maamulkaas hogaamiya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com