“Aniga waxay iila muuqataa Inay Madaxweynaha Taladu Seegtay Waayo Dadka Tartamaya ee Xisbiga ku Jirana inuu Dhex u Noqdo ayay ahayd” Prof Axmed Ismaaciil Samatar DAAWO
Hargaysa 14.Nov 2015 (SDN/QJ):- Prof Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa sheegay inay Madaxweyne Siilaanyo seegtay inuu murashixiintii KULMIYE ku tartamaysay siiyo saaxad ay ku kala baxaan golaha dhexe ee KULMIYE.
Prof Samatar, oo waraysi siiyay Star TV, wuxuu sheegay in wasiiradii is casilay ay Madaxweyne Siilaanyo ka dalbadeen inaanu murashixiinta kala taageerin. “Aniga waxay iila muuqataa halkaas madaxweynaha inay taladu seegtay, waayo madaxweynuhu umadda Somaliland oo dhan ayuu madax u yahay xisbiga dadka ku jiraana waa inay u sinaadaan, markaas madaxweynaha waxa ku haboonayd inuu yidhaahdo golihii xisbigu lahaa dadka doonaya inay xisbiga iska soo sharaxaan in qof walba u furnaato oo xisbiga ku jira ee doonaya doorashada inuu ka qayb galo.” ayuu yidhi Samatar oo waraysigan bixiyay ka hor doorashadii murashixiinta KULMIYE, waxaanu intaas raaciyay “Markaas madaxweynuhu inuu dhexdhexaad u noqdo ayaa ila haboon, waxaanad halkaas moodaa inay taladu ka liicday madaxweynaha oo markaas ay keeni karto khilaafkii Dimuqraadinimadu inuu noqdo khilaaf ka weyn oo qooman keena, markaas dadkan ka baxay xisbiga ee wasiirada ah waxay farta ku fiiqaysaa inuu qoon durba bilaabmay halka uu ku dambayn karaana ay walwal weyn keeni karto.”
Prof Samatar, waxa kale oo uu sheegay in xisbiga KULMIYE raaci karo jidkii UDUB ee burburka ku dambeeyay haddii aan si xariir ah loo tartamin, “Haddii aanay su’aashu noqon xisbigana maxaa u dan ah, umadda la doonayo inuu xisbigu hoggaaminayana maxaa u dan oo aan su’aalaahaas si wanaagsan la isu weydiin aad iyo aad ayay u suurtogeli kartaa in KULMIYE ku dambeeyo sidii uu UDUB ku hoyday ee uu ku baaba’ay.”