|

“Aniga Waxaa I Tahriibiyey Nin Xandulle La Odhan Jiray Oo Ay Cabdiraxmaan Wada-shaqaysan Jireen, Cirro-na Gurigiisa (Moscow) Ayaan Ku Degay Oo Afar Maalmood Ayaan la Joogay”…..Gudd Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 16. November 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe sidoo kalena ah murashaxa madaxwayne ee xisbigaasi ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay xoghayaha xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uurcadde kaasoo sheegay in Cabdiraxmaan Cirro uu Faysal Cali Waraabe tahriib ku galiyey dalka Finland, kadib markii uu ku degay gurigiisii Moscow ku yaalay.

faysal-cali-waraabe-iyo-cirroFaysal Cali Waraabe ayaa xaqiijiyey inuu ku degay gurigii Cabdiraxmaan Cirro oo ahaa qunsulkii dawladdii Somalia u fadhiyey magaalada Moscow isla markaana uu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ka saaciday inuu tahriib ku galo dalka Filand balse waxa uu ku dooday inuu jiray nin kale oo ay Cabdiraxmaan Cirro wada shaqaysan jireen oo la odhan jiray Xandulle, waxaana uu sheegay inuu ninkaasi ahaa nin tahriibiyey ee ay lacagtana u dhiibeen. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Cabdiraxmaan Moscow qunsul buu ka ahaa, halkaas ayaanu isku baranay gurigiisa ayaan ku degay, afar maalmood ayaan la joogay, anaga waxaa na tahriibiyey oo sharciga noo soo saaray Xandulle ninkii la odhan jiray AHN, Xandulle iyo Cabdiraxmaan-na way wada shaqaysan jireen laakiin dee anagu lacagtii aanu bixinay Xandulle ayaanu u dhiibnay aniguna lacagtii aan la soo galay Cabdiraxmaan ayaan u dhiibtay oo isaga ayaa ii hayay markii dambena 17 qof ayaan watay oo lacagtoodii ninkas ayaan u dhiibay”.

 

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo hadda ah murashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI iyo Faysal Cali Waraabe oo isna ah guddoomiyaha iyo murashaxa Madaxwayne ee xisbiga UCID ayaa muddo dheer saaxiib ahaa balse dano siyaasadeed awgeed ayaa wakhti xaadirkan ka dhigay kuwa isugu neceb fagaarayaasha siyaasadda.

Comments are closed