|

 “Aniga Saddex Nin Ima Qabaan, Boqorka yidhi Waa Naagtaydii waa Beentii..” Xildhibaan Huda Axmed Cali DAAWO

Muqdisho 21. March 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Huda Axmed Cali oo ka tirsan Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana ka soo jeedda Gobolka Sanaag ee Somaliland oo dhawaan ay soo baxeen Warar sheegaya in Saddex Nin Qabaan oo isku haystaan Naagnimada Gabadhaas, ayaa beenisay jiritaanka Wararkaas oo Baraha Bulshada iyo Shabakadaha Wararka qarkoodba lagu baahiyey.

Waxay Xildhibaan Huda Sheegtay inaanay jirin saddex Nin oo Qaba, saddexda Nin ee mid waliba sheegay inay naagtiisii tahayna aanay mid mooyee garanayn-ba kuwa kale, wax xidhiidh ah oo dhex-marayna jirin. Ka ay garanayso ayey ku sheegtay inuu yahay Boqor Maxamed Jaamac oo Madax-dhaqmeedka beesheeda ka tirsan, isla markaana ah Odaygii soo qoray in Xubin Baarlamaan loo doorto.

 

Haddaba, Xildhibaan Huda Axmed Cali oo faahfaahinaysa sababta iyo ujeeddada ka dambaysa Baahinta wararkan iyo sababta Boqorkii Beesheeda ee marka hore iyada soo qoray qayb ka noqdo Nimanka ku doodaya inay qabaan iyada, waxay kaga hadashay Waraysi lala yeeshay, waxaanan Waraysigaas idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed