‘’Aniga oo ah Madaxweynihii qarankan, waxaan ka soo horjeedaa in la cabudhiyo Saxaafadda Madaxa-banaan, Waxaan farayaa Hay’adaha Amniga iyo Maamullada Gobollada Dalka, inay ixtiraamaan….’’ Madaxweyne Siilaanyo DAAWO
Hargaysa 10. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka qayb galay Shirweyne Caalami ah oo lagaga hadlayay Horumarinta Saxaafada Somaliland Waxaanu Halkaas ka Soo Jeediyey Khudbad Dhinacyo badan leh Isagoo Sheegay in Madaxweyne ahaan uu ka soo Hor jeedo Tacadi lagu sameeyo Warbaahinta Madaxa Bannaan,Waxaa Kale oo Madaxweynuhu Ku Amray Badhasaabada Gobolada iyo Laamaha amaankuba inay Ixtiraamaan Xoriyada Saxaafada,Isagoo Geesta kale ka Dalbaday Warbaahintu inay ka Taxadiraan Wararka halka dhinac ah ee ay Faafiyaan.
”Aniga oo ah Madaxweynihii qarankan, waxaan ka soo horjeedaa in la cabudhiyo Saxaafadda Madaxa-banaan. Fikirkaasi waxa uu ahaa mid aan caan ku ahaa doodiisa iyo dagaalkiisa. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Nin hadduu seexdo, oo soo tooso, waa isagii”. Sidaa darteed, waxaan leeyahay ma jiro wax maanta iska-kay bedelay, ee sidii baan u aamin-sanahay arragtidaa siyaasadeed. Suxufiga sharci darro laguma xidhi karo, lagumana xad-gudbi karo. Hase-yeeshee, Suxufigu waa bini’daam gafi kara, haddii lagu eedeeyo dunuub ama xuquuq dad muwaadiniin ah oo uu ku xad-gudbay, waa in loo maraa dariiq sharci iyo garsoor madax-bannaan.
Waxaan farayaa Hay’adaha Amniga iyo Maamullada Gobollada Dalka, inay ixtiraamaan, isla markaana dhawraan xuquuqda iyo xorriyadda saxaafadda iyo suxufiyiinta. Dhinaca kale, Saxaafadda waxa waajib ku ah, ilaalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana in ay u hawl-gasho si wadaniyad iyo dal jacayl leh. Sidaa awgeed, waxaan u soo-jeedinayaa inay ka feejignaato baahinta wararka laf-jabka ku ah maslaxadda iyo danaha qaranka.
Waxaan soo dhaweynayaa, dhaliilaha dhabta ah iyo talooyinka toosinta xambaarsan ee saxaafadda madaxa-bannaani maamulkayga u soo jeedinayso. Waxaan dulqaad weyn u leenahay dareemmada togan ee Dawladdayda lagu durayo, balse waxa reebban been abuurka iyo wararka aan sal iyo raad toonna lahayn, kuwaas oo loo baahan-yahay in Saxaafadda iyo Suxufiyiintu ka waantoobaan.