|

“Aniga oo ah Madaxweynaha dalkana hadii aan 15 daqiiqo sii Joogi Lahaa Huteelka way i dili lahaayeen ama way qaban lahaayeen” Go’aamadii uu Qaatay Madaxweyne Erdogen Markuu Inqilaabku dhacay DAAWO

Ankara 22.July 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyib Erdogen ayaa waraysi uu siiyay CNN kaga sheekeeyay halkii uu ku sugnaa markii uu maqlay inqilaabka, cidduu la joogay, go’aanadduu qaatay iyo arrimo kale oo la xidhiidha sidii wax u dhaceen.

President Erdogan First Interview after The Turkish Military CoupMar la waydiiyay halkuu ku sugnaa markii uu maqlay waxa socda wuxuu yidhi;“Waxaan la joogay qoyskayga oo aan kula qaadanayay magaaladda Marmaris shan maalmood oo fasax ah. Qiyaastoo 10kii habeenimo ee habeenkaa waxaan helay war ku saabsan in magaalooyinka Istanbul, Ankara iyo meelo kale uu ka jiro dhaqdhaqaaq, markaa waxaan go’aansaday in dibadda u baxo. Xaaskayga, caruurtayda, wiilka aan soddoga u ahay dhamaantood way ila joogaan markaa. Ka hor intaanan bixin waxaan waxaan u yeedhay warbaahin gaadhsiin karta dadka oo dhan warkaa, laakiin waxaan ogaaday in warbaahintii dawladdu aanay gaadhsiin Karin, markaa waxaan qaatay qorshe labaad oo ah in aan adeegsado baraha bulshada ee internetka, raadiyanna TV gaar loo leeyahay, oo aan ku diro fariin aan dadka kaga dalbayay inay dibadda u soo baxaan.”

Madaxweyne Erdogen wuxuu intaa ku daray, inay guul ahayd in farriintiisu gaadho dadka, isla markaana ay ajiibeen oo soo baxeen.

Markaa kadib muxuu yeelay Madaxweyne Erdogen? Go,aan noocee ah buu qaatay, maxaase dhacay? Isagoo su’aalahaa ka jawaabaya wuxuu yidhi; “duullaankii ay ku soo qaadeen huteelkii aan degannaa ee Marmaris, ee ay Aniga ila beegsanayeen waxay ku dilleen laba ka mid ahaa ilaaliyayaashaday, Aniga oo ah Madaxweynaha dalkana hadii aan 15 daqiiqo sii Joogi Lahaa Huteelka way i dili lahaayeen ama way qaban lahaayeen.

Laakiin galaangal aan sameeyay oo aan ku ogaaday inay doonayaan inay qabtaan, ayaa sababay in aan go’aansado in aan bedelo meeshii aan joogay, oo aan meel kale u wareego. Shan iyo toban daqiiqo markaan ka sii maqnaa huteelkiina way duqeeyeen. Markaa wax kasta waan la socday, in ay la wareegeen Airporka Ataturk waa ogaa, waxaan wacay maamulaha ciidamadda Istanbul waxaan u sheegay in ay ka saaraan afgambiyayaasha airporka, waxaan ku amray in ay ka nadiifiyaan argigixisada madaarka. Waxaan ku sugnaa markaa hawadda, sidaa aawadeed maadaama aan hawada joognay khadka ayaa naga googo’ayay, duuliyaha diyaaradda ayaan waydiiyay inta aan hawada ku jiri karo, wuxuu ii sheegay 3 ilaa 4 saacadood in aanu ku jiri karo hawadda. Diyaarado F-16 ah ayaa nagu wareegsanaa oo na ilaalinayay.”
Madaxweyne Erdogen waxa kale oo uu waraysigaa ku sheegay in uu ogolaanayo in la soo celiyo sharcigii dilka oo hore looga saaray dastuurka,isla markaana uu saxeexayo haddii Baarlamaanku go’aamiyo.

Dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalkaasina waxay muujinayaan, in ku dhawaad labaatan kun oo qof xabsiyadda la dhigay, isla markaana ay weli socoto baadhis xoog leh oo lagu daba joogo dadka tuhunku galay. Geesta kalena waxay warar ay wakaaladaha wararka caalamku faafiyeen tibaaxeen, in ilaa sideed markab oo kuwa dagaalka ah oo Turkigu leeyahay aanay wax xidhiidh ah taliyayaashoodu la samaynin dawladda wixii ka dambeeyay inqilaabkii fashilmay, isla markaana loo malaynayo inay qayb ka ahaayeen afgambiga, suuragalna ay tahay inay fakadaan.

Dhanka kale dawladaha reer galbeedka ayaa ka walaacsan in fashilaaddani u saamaxdo Erdogen inuu xadhkaha goosto, dastuurka wax ka bedelo, isla markaana tosho shaadh isaga le’eg oo aan awooddu meel kale jirin.

Wararku waxay intaa ku dareen, in raadadka fashilkii inqilaabkaasi uu geli karo meelo badan oo dibadda ah, kuwaasoo uu ugu wayn yahay wadaadka Fathulah ee maraykanka degan, kaasoo la sheegay in maamulka Erdogan haatan u diray maraykanka Dekumenti ay ku dalbayaan in loo soo gacan geliyo.

Comments are closed