|

‘’Aniga iima Jawaabi Karo Ina Iley ( Madaxweynaha Kililka Shanaad Itoobiya’’ Waayo Sidii Maxamed Siyaad barre ayaa Aabo Aabo la Leeyahay, Digtaatoorina ma ahee Waa Kharaab’’ Gudoomiye Faysal Cali Waraabe DAAWO

Hargaysa 28. July 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa mar kale si kulul ula hadlay Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, isla markaana wuxuu ku tilmaamay Kharaab si arxan-darro ah ula dhaqma Dadka ku dhaqan dhulka Killalka Shanaad ee Itoobiya ee aanay isku haybta ahayn, taasna aanay ka aqbali doonin oo uu dhulku ka dhaxeeyo oo uu Faysal ahaan yahay Nin Reer Awaare ah.

Waxa uu Faysal sheegay inaanu Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar u jawaabi karin Faysal ahaan, isla markaana uu yahay Nin u muuqda keli-taliye loogu yeedho kelmadda waalidnimada ah ee; ‘Aabbo’ sidii Marxuum Maxamed Siyaad Barre oo kale.

 

“Aniga iima jawaabi karo inan yar oo Aabbo la leeyahay sidii Maxamed Siyaad Barre oo kale…” sidaa ayuu yidhi Faysal oo mid ka mid ah TV-yada Soomaalida oo uu Waraysi siiyey intii uu ku sugnaa dalalka Canada iyo Findland oo uu Maanta ka soo laabtay.

 

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in dawladda Itoobiya ay faa’iidooyin badan oo dhaqaale iyo amniba ka hesho Somaliland, hase-yeeshee, aanay jirin dano dhaqaale oo ay Somaliland ka hesho Itoobiya iyo waxay ka iibisaa toona, balse, marka uu ka hadlayo hab-dhaqanka Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida uu yahay mid uu ku burburinayo danaha ay Dawladda Itoobiya ku qabto Dawladda iyo Dadka Somaliland.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo su’aalo kala duwan laga weydiiyey sida uu u weeraro Madaxda Federaalka Soomaaliya ujeeddada ka dambaysa, Xulashada Madaxweyne Ku-xigeenka UCID, rejadiisa inuu mar saddexaad Madaxweyne ugu tartamo Somaliland iyo qodobbo kale oo xiiso leh, ayuu dhammaantood kaga jawaabay Waraysigan.

 

Waxaanannu Waraysigaas Faysal Cali Waraabe lala yeeshay Su’aalaha lagu weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed