|

‘’Aniga Hadii ay Cirro Iyo Muuse Soo Baxaan Dalka waan ka Haajirayaa Markaas Walaalayaal Aniga ha ii Hiilininee Idinku Isu Hiiliya’’ Gudoomiye Faysal DAAWO

Hargaysa 07. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu Somaliland ka Haajiri doono hadii ay Talada dalka midkoodkood ku soo baxo Isla markaana uu noqon doono Tabliiqi Isagoo Xusay inuu go’aankiisan xitaa gaadhsiiyey Safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Somalia.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Waxa uu tilmaamay in Labadan Murashax oo uu Saaxiib dhow la yahay aanu midkoodna wadin dan Somaliland,Waxaa kale oo uu xusay in xaalada uu dalku marayo ay tahay halkii ugu darnayd waxa uu Gudoomiyuhu taxay dhacdooyin uu sheegay inuu isagu xaliyey balse aan la ogayn halka ay Gudoomiye Muuse Biixi Iyo C.raxmaan Cirro ku maqnaayeen.

Gudoomiyaha xisbiga Ucid ayaa sidaa ku sheegay khudbad uu ka Jeediyey taageerayaal ku soo biiray Xisbiga Ucid Maanta.

Comments are closed