|

Andy Murray Ayaa Ku Guuleystey Abaalmarinta BBC Sports Personality Of The Year.(By Jaahuur)

London-Arena Leeds Stadium-16-Dec-2013 (SDN) Akhyaaray faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu ku bidhaamineynaa xiddigga reer Ingiriiska ah Andy Murray oo ku guuleystey Abaamarinta BBC Sports Personality Of The Year.

26-tan jirkan Ingiriiska ah ayaa noqdey ciyaaryahankii ugu horeeyey 77-tan sanno ka bacdi hantiyey Wimbledon Men’s Single Grand Slam ee xagaagii hore kana badiyey Novak Djokovic.

Ciyaaryahanada reer Wales,British iyo Irish ee Rugbida (RUGBY) Leigh Halfpenny oo kaalinta labaad galey ta 3-na Jocky AP McCoy.

Waxaan halkan uga mahadnaqayaa dadkii ii footeeyey ina tageerayey sannadihii aaynu soo dhaafney waxayna isiisey is bedel xoog leh,sidaana waxaa ka dhawaajiyey Andy Murray.

Abaalmarintan si wanaagsan loo soo agaasimey kana dhacdey Arena Leeds ayaa Murray la gudoonsiiyey isaga oo tababar ku qaadanaya Miami,waxaana gudoonsiiyey Martina Novratilova oo 18-an jeer hantidy Grand Slam Champion.

Haddaba Andy Murray %50 loo foodey(VOTE) ayaa waxaa tartamayey 9-ciyaarahan oo uu ka mid ahaa wiilka Soomaaliyeed ee Mo Farah oo kaalinta 4-aad ku bariiqdey waxayna kala ahaayey sidantan.

 

  • Murray: 401,470
  • Halfpenny: 65,913
  • McCoy: 57,854
  • Mo Farah: 51,945
  • Ben Ainslie: 48,140
  • Chris Froome: 37,343
  • Hannah Cockroft: 26,151
  • Christine Ohuruogu: 13,179
  • Justin Rose: 9,833
  • Ian Bell: 5,626
  • Total votes: 717,454

W/qorey Jaahuur

SDN

jjaahuur@hotmail.com

Comments are closed