|

‘’Anaku Haddaanu Nahay Dumarka Soomaaliyeed Waanu U Taaganahay Inay Dhacdo Doorashadu, Hadday dhici weydana Habkale ayay Ku dhacaysaa…’’ Canab Maxamed Daahir

Hargeysa,16Aug,2015(QJ/SDN)-Canab Maxamed Daahir oo ah haweenaydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed oo isku soo sharraxda xilka madaxtinimo ee dalka Soomaaliya ayaa waraysi gaar ah oo ay siisay shabakadda wararka ee Qurbejoog.com waxay kaga hadashay arrimo badan oo ay ka mid tahay doorashada lagu wado inay soomaaliya ka dhacdo sanadka 2016ka, Canab ayaa waxa ay walaac xooggan ka muujisay in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah ‘’Waxa lagu heshiiyay oo beesha caalamku markhaati ka tahay oo lagu wada saxeexay in ay dhacdo doorashadu 2016ka doorasho xalaal ah dhacdo, wixii oo dhanna waa la marin habaabiyay’’ ayay tidhi Canab.

MUSHARAXAD CANAB MAXAMED DAADIR

Marwo Canab waxa kale oo ay ka hadashay musuq-maasuqa Soomaaliya ka jira, iyadoo sheegtay in Hantidii ummadda Soomaaliyeed la lunsaday, ‘’Hantidii ummadda Soomaaliyeed Waa la kufsaday, Ummadda soomaaliyeed wixii xoolo la siinayay waxba looguma qaban,Cisbitaalo lama dhisin oo iskuulo lama dhisin, oo waddanka nabadgalyadiisii dib loo soo habeenin, markaa ka yeeli mayno waxa ay wataan’’ ayay markale tidhi Canab Maxamed Daahir.

Canab waxa kale oo ay walaac ka muujisay in wakhtigii loogu talo galay doorashadu inay ku qabsoonto ay ku qabsoomi weydo, iyadoo arrintaasi ka hadlaysana waxay tidhi markale ‘’Anaku haddanu nahay Dumarka Soomaaliyeed Waanu U Taaganahay Inay Dhacdo Doorashadu, Hadday dhici weydana Habkale ayay Ku dhacaysaa, haddii aysan 2016ka dhici weydana insha allaah 2020ka waxaan rajaynayaa oo aan u istaagaynaa una dhabar adaygaynaa oo aanu ummadda caalamka u sheegaynaa soomaaliya inay ka dhacdo doorasho xaqq ah..’’

Wareysigan oo ah mid dheer oo dhinacyo badan taabanaya, ayaa waxa kale oo Canab kaga hadlaysaa arrimo aad u xiiso badan oo ku saabsan Qaddiyada Somaliland iyo Siyaasadda ay ka leedahay Somaliland haddii ay xilka madaxtinimo ku geeleysato, sidoo kale marwo Canab waxay kale oo ay ka hadlaysaa Xidhiidhka Puntland iyo dowladda Fadaraalka. Haddaba Akhristayaashayada waxaanu u balan qaadaynayaa in aanu dhawaan usoo gudbin doono isagoo dhameystiran oo dhageysi ah. Insha Allaah.

Khaalid Foodhaadhi

Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed