“Anagu Waxaanu Hoos tagnaa Wasaarada Arrimaha Gudaha,Wasiirkuse waxay ahayd inuu isa soo sheego” Maayarka Gebilay {DHAGAYSO}
Gebilay 13.Aug (SDN) Maayarka Magaalada Gebilay Shucayb Maxamed Muuse ayaa ku tilmaamay Been aan Sal iyo Raad toona lahayn Warar Maanta lagu baahiyay Wargaysyada ka soo baxa Caasimada Hargaysa kuwaas oo Sheegayay in Maayarka Gebilay uu ka Xidhay Hoolkii Shirarka ee Dawlada Hoose ee Gebilay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maal gashiga Dr Maxamed C.laahi Cumar oo Shalay Socdaal Siyaasadaysan ku tagay Magaalada Gebilay.
Maayarka Magaalada Gebilay Waxa uu Sheegay inaanu jirin Xafiis uu ka Qufushay Wasiirka Ganacsiga Isagoo Xusay in Maamulka Gobolada iyo degmooyinku ay hoos tagaan Wasaarada Arrimaha Gudaha .
Halkan Guji si aad u Dhagaysto Codka Maayarka Gebilay
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/jawaabmaayar.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com