“Anagu halkan kuma hayno Dad dhimirka wax ka qaba, taasina waa ceeb, waana in xildhibaanka ka sokow qof shakhsiyadiisa La Ixtiraamaa…” Ku-xigeenka Golaha Guurtida
Hargeysa:April,04,2015(SDN/QJ)-Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa markii ugu horraysay Jawaab adag ka Bixiyey Dhaliilo golahooda ay dhawaan dusha ka saareen Hogaanka Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranku.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golahaas Siciid Jaamac Cabdi oo maanta saxaafadda la Hadlay, ayaa sheegay inay Odayaasha Madasha Ixtiraam u hayaan, isla-markaana iyaga qudhooda looga Baahan yahay inay ixtiraam sameeyaan.
Siciid Jaamac Cali oo arrimahaas ka Hadlaya, ayaa yidhi,
“Marka hore waan ixtiraamayaa odayaasha madasha, waana odayaal mujaahidiin ah oo siyaasiyiin ah oo dalka qiimo badan ku leh, balse ma aha Hay’ad sharci oo dhinaca Hay’adaha sharciga noogu jirta, maadaama oo ay ragaas muhiimka ah yihiinna, waxa wanaagsan inay taladooda iyo qowlkooda iyo ficiladooda ay sidaas si ka duwan u dhigaan.”
Guddoomiye Siciid Jaamac waxa uu sheegay in mudanayaashu Guurtidu mudan yihiin in la ixtiraamo, waxana uu intaas ku daray in xubnaha dhaxalka ku yimi ee Goluhu aanay geyin in lagu aflegaadeeyo kamid ahaanshahooda Golaha, waxana uu yidhi,
“aad iyo aad baan uga xumahay in rag siyaasiyiin ah oo dalka mustaqbal iyo xilal ka doonayaa iyagoo aan gaadhin inay isa sii fasakhaan, golaha guurtiduna waa gole sharci ah oo ixtiraamkiisa leh, Xubintu ama ha yaraato ama ha weynaatee marhaddii loo dhaariyo xildhibaan ahaan waxay mudan tahay maamuuskeeda iyo xasaanadeeda, in lagu gefana ma aha, goluhuna ama dhaxal ha ahaado ama si kale ha ugu soo kordhee dadkoo dhan baa wada dhaxal, waxaas oo cuqaal ahi waa wada dhaxal.”
Siciid Jaamac waxa uu sheegay in xubin kasta oo Golaha ka baxdaa qoyskii ay ka baxday xaq u leeyihiin inay soo beddeshaan, maadaama aanu jirin sharci kale oo intaas dhaafsiisan oo xubinta cusub lagu xidhaa, marka laga reebo inaanu dembi lahayn, isla-markaana caafimaad ahaan fiican yahay,
“Goluhu qaab kasta haku yimaadee sharciyad uunbuu ku yimaadaa, ama reerkoodu ha keenee waa distoorka iyo sharciga waxa aanu raacaynaa oo kaliya ah waayo wali golaha guurtidu sharciyaddii lagu soo dooran lahaa ama lagu soo xuli lahaa ma dhamaystirna, sidaas darteedna qodobka ufasaxayaa waa jagada bannaanaata inay soo buuxiyaan qoyskii uu ka baxay marxuumkii jagada ku jirey, iyagu markaa ama walaalkii ka keenaan ama inankiisii ha keenaane.”
Mudane Siciid Jaamac waxa uu sheegay in ka hor inta aan mudanaha la dhaarin lasoo mariyo Hay’adaha caafimaadka iyo kuwa dembi baadhista, wixii ay soo qoraana ay guurti ahaan ku kalsoon yihiin,
“Mudane kasta inta aan la dhaarin waxa lasoo mariyaa Ha’yadaha Caafimaadka, markaa ma waxaynu leenahay Hay’adaha Caafimaadka ayaa Been sheegaya markaynu leenahay Dadbaa waalan, Mudanuhu intaan la dhaarin warqadda Dembi la’aanta iyo warqadda caafimaadka ayuu keenaa.” Ayuu yidhi Siciid Jaamac Cali.
Siciid waxa uu caddeeyey inaanay xarunta Golaha ku Haynin Xildhibaanno Maskaxda Wax ka qaba, waxana uu arintaas ku tilmaamay mid kabaxsan Milgaha Hadalka, waxana uu yidhi,
“Anagu halkan kuma hayno Dad dhimirka wax ka qaba, taasina waa ceeb, waana in xildhibaanka ka sokow qof shakhsiyadiisa wax loo dhimo, markaa odayaasha waxan odhan lahaa anagu odhanmayno qaar waalan ama khalkhalay baa idinku jiree sidaas la idiin ixtiraamayo u ixtiraama Golaha.”
SDN/QJ