Amuur Iga Yaabisay!
Arrimahakaa yaabinayaa way badan yihiin waa marka aad ka fikirayso xilligaaad nooshahay, dadka aad la nooshahay iyo deegaanka aad ku nooshay. Waxaad-se sii yaabaysaa marka aad aragto qaladaad la samaynayo ootaabanaya waxa aad aqoon u leeyahay. Dhakhaatiirtu haddii ay arkaanamma maqlaan qof aan dhakhtar ahayn oo dadka dhakhtarinaya waxay kunoqonaysaa la yaab. Waayo, waxay garanayaan qofka aan lahayn cilmigacaafimaadku inuu dhibaato weyn sababayo, dad badanna uu sabab u noqonkaro in waxyeelo caafimaadka soo gaadho amma ilaahay ku sababo inqofkaasi dad laayo. Waana arrinta ugu weyn ee keentay in aanu qofnadhakhtar sheegan karin haddii aanu cilmiga caafimaadka soo baran. Taawaxa la mid ah cilmiga saxaafadda oo ah mihnad sida dhakhtarnimadaloo barto. Maxaa yeelay qofka suxufiga ahi haddii aanu aqoonsaxaafadeed lahayn wuxuu sababi karaa laba dhibaato oo halis ah; inuunaftiisa halis geliyo iyo in deegaanka uu ku nool yahay dhibgaadhsiiyo.
Muddooyinkandanbe, waxa teleshinnada afka soomaaliga ku hadla ku soo biirayadhalinyaro kala duwan oo runtii dadaal iyo wax-qabad ka muuqdo, balsehal caqabad ahi haysato una baahan in wax laga qabto. Waxa aadarkaysaa in weriyihii samaynayo war amma barnaamij la doonayo in lootebiyo daawatada oo ah shacabka iyo hogaankooda. Kelmadaha iyohab-diyaarinta ay adeegsadaan weriyaashaasi haddii aad u fiirsatowaxa ku geedaaman qaladaad badan oo runtii dhaawac ku ah mihnaddasaxaafadda iyo ku shaqaynteeda. Waxa aad arkaysaa weriye aad moodoaf-hayeen xukuumadeed oo intii masuul xil hayaa odhan lahaa isaguodhanaya.
Waxain badan dhegahaaga ku soo dhacaya weriye war soo tebinaya oo leh:“Tallaabadanay xukuumaddu ku dhaqaaqday waxay qayb tahay adkaynta cilaaqaadka kadhaxeeya labada dawladood.” “Warshadan uu madaxweynuhu furaywaxay sababaysaa horumar dhaqaake” “Dhaliishan ka soo yeedhaymucaaradku ayaa u muuqata mid wax u dhimaysa dadaalka wax-qabad eexukuumadda.” “Ciidamada booliska ah ee la tababaray waxay siixoojinayaan adkaynta nabadgelyada iyo xasilloonida.” “Arrintaasiwaxay muujinaysaa inay xukuumaddu ku guul-darraysatayballan-qaadyadii ay hore u samaysay.” Hadalahaan odhaahyadani waa sax sida ay u qoran yiihiin, laakiin su’aashuwaxay noqonaysaa weriyuhu toos ma u sheegayaa? Jawaabtu waa maya,maxaa yeelay marka aad war tebinayso waxyaabaha ka mamnuuca ah eelaga ilaaliyo warka aad sheegayso waxa ka mid ah in weriyuhufikirkiisa ku dhex daro. Markaa haddii uu weriyuhu yidhaahdo:“ Tallaabadanay xukuumaddu ku dhaqaaqday waxay qayb tahay adkaynta cilaaqaadka kadhaxeeya labada dawladood.” Warkaafikirkiisa ayuu ku darsaday oo waxa uu meel kaga dhacay shuruudihiiwarnimadii.
Warkuwaxa weeyaan in weriyuhu sheego waxa dhacay, sida ay u dhaceen, ciddawax samaysay amma ka hadashay, meesha uu ka dhacay, sababta iyo sidawaxaasi u dhaceen, isaga oo adeegsanaya oo caddaynaya ilaha (source)kala duwan ee uu warkaasi ka xigtay. Haddii uu weriyuhu u baahanyahay inuu warkiisa xidhitaan fiican u sameeyo waa in cid kale utidhaahdaa: “Tallaabadanay xukuumaddu ku dhaqaaqday waxay qayb tahay adkaynta cilaaqaadka kadhaxeeya labada dawladood.”
Weriyuhuwaa qof bul bulshada wax u werinaya amma u tebinaya. Waa qof udhexeeya shacabka iyo madaxdooda. Marka uu wax sheegayo maaha inuuwax ku darsado fikirkiisa. Asxaabtii nebiga (NNKH) xadiisyada ka soowerisay mid keli ah kumuu darsan fikirkiisa, laakiin wuxuu sooweriyey wixii nebiga ka sugnaaday. Weliba ku darsada’oo kutubkaxadiisyadu ku qoran yihiin ee xilliyadan la adeegsado marka aadakhriyeyso waxa aad arkaysaa Bukhaari iyo muslim. Waa iliha sugay eexaqiijiyey saxnimada xadiiska. Sidaas oo kale yaa la doonayaa qofkaweriyaha ahi inuu sheego sida ay wax u jiraan, waxa dhacay, ciddacabanaysa, cidda jawaabaysa, cidda cid kale dhaliilaysa iyo wixii lamid ah. Maaha inuu afhayeen noqdo oo waxa uu doono uu ku darsado.Cidda loo baahan yahay inay weriyaha saxdo inta aanu bulshada wax bau soo gudbin waa tifaftirayaasha oo shaqadoodu tahay sixidda iyo kalahaadinta wax-soo-saarka weriyaha. Waxaana saaran masuuliyad culus.Waxa hadda dhaliil badani saaran tahay ragga tifaftirayaasha sheegtaoo runtii iyagu masuul ka ah in bulshada loo soo baahiyo wax badan oosixitaan u baahan.
Muddooyinkandanbe waxa soo shaac-baxay weriyaal aan dan iyo muraad ka lahaynilaalinta akhlaaqiyaadka saxaafadda ee ay ka midka tahaydhex-dhexaadnimadu. Waxa aad arkaysaa weriye doonaya in la ammaano,inuu xukuumadda amma cidda hogaanka haysa iska dhaadhiciyo, inuu cidgaar ah raaligeliyo iyo arrimo kale. Waxa aad arkaysaa weriye aanilaalinayn dhammaystirkii iyo dheeli-tirkii wararka oo hal dhinac uunsii daynaya, taasina ay ka dhigan tahay inuu dhinac la safan yahay.Waxa aad arkaysaa weriye mihnaddii saxaafadda u fahamsan in lacaglagu raadiyo. Lacagta aan ka hadlayaa maaha mushaharka lagu shaqeeyoee xarumaha warbaahintu bixiso ee waa lacagaha ay weriyaashu kaqaataan wararka iyo barnaamijyada ay dadka u sameeyaan.
Haddiiay dhibaatadani sii socoto waxay ina dhaxalsiinaysaa oo aydhaawacaysaa mihnadda saxda ah ee saxaafadda. Waxay kallifaysaa inda’ yarta danbe faham qaldan ka qaataan suxufinimada isla markaana aysi gurracan ugu soo biiraan. Waxa dhacaysa in la naco weriyenimadaiyo shaqada saxaafadda oo loo qaato inay tahay wax liita oo ay kashaqeeyaan dad aan aqoon lahayn oo saaqidiin ah. Waxa imanaysa inaan muhiimad la siin waxbarshada cilmiga saxaafadda ee qotadadheer.
Waxaaan qormadan ku soo afmeerayaa, haddii aynu nahay bahda saxaafaddaaynu u soo jeesanno sixidda iyo daba-qabataynta karaamada saxaafaddaoo in yar oo innaga mid ahi si qaldan u adeegsanayso.
CabdishakuurXaaji Muxumed Muuse [Heersare]