“Amni ma jiro, is aaminaad ma jirto, waxaa u sabab ah shacabka kuma kalsoona laamaha ammaanka” Xildhibaan Dalxa
Muqdisho 04.July 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Somaliya, ayaa wuxuu walaac ka muujiyay xaalada amni ee Magaalada Muqdisho, xilli uu ammaanku noqday mid sii xumaanaaya.
“Runtii waa wareer dilka iyo dhibaatadaan ku soo korortay Magaalada Muqdisho, dilalka waxa loo geysanaayo waa amni majiro.” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.
“Xildhibaan Xeyd waxba ma galabsan, labadii askari ee Ciidanka Ilaalada Wadooyinka ka tirsanaa wax ay geysteen malaha. Askari Traffic-kada ka tirsan lama dili jirin, waxa loo dilaayo waa amni ma jiro.” ayuu yidhi Xildhibaanka.
Prof. Maxamed Cumar Dalxa, ayaa waxa uu iftiimiyay inaanu jirin wax kalsooni ah oo ka dhaxeyso shacabka iyo Hay’adaha ammaanka, iyadoo uu Saraakiisha ammaanka ku eedeeyay inaysanba ogayn, inay xilal u hayaan shacabka.
“Amni ma jiro, is aaminaad ma jirto, waxaa u sabab ah shacabka kuma kalsoona laamaha ammaanka, maxaa dhacay ragga qaabilsan ammaanka, maba oga inay masuuliyiin yihiin, maba oga in xil loo dhiibtay.” ayuu yidhi Xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka.
Prof. Dalxa, ayaa sheegaaya in wax ka qabashada ammaanka ay ku xiran tahay, iyadoo bulshadu ay la shaqeyso laamaha ammaanka, isla-markaana ay Saraakiishu muujiyaan inay xilal hayaan.
“Isbedelka ammaanka wuxuu ku imaan karaa in shacabka ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, Madaxdana waxaa laga rabaa masuuliyad inay inay muujiyaan.” ayuu sii raaciyay Dalxa oo la hadlaayay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho.
Muqdisho SDN/QJ