|

Amnesty:Goaanka Kenya ee Soomaalida Xeryaha loogu celinayo waa xadgudub

Nairobi Dec 22, 2012(SDN)-Dawlada Kenya oo ku andacooneysa in qaxootiga Soomalidu ka danbeyso qaraxyada ka dhacayay xaafadooda ayaa amartay in Soomaalida dib loogu celiyo xeryaha qaxootiga ee Woqooyi Bari.

Goaankaas oo ay hore u dhaleeceeyeen Hay’adaha u adeega qaxootiga ayaa haatana waxa dhaleeceeyay hay’ada Amnisty oo xuquuqda Aadanahau ololesa.

“Goaanka dawlada Kenya waxa uu xadgudub ku yahay xuquuqda dhaqdhaqaaqa ee asaasiga ah”sidaa waxa laguyidhi qoraal ay Amnisty soo saartay.

Kathryn Achilles waa khabiirka Amnisty ee Bariga Africa waxaaney sheegtay in “dawlada Kenya aaney dusha u saari karin nabedgelyo xumida”.

Amnesty waxa ay xukuumada Kenya ugu baaqday in ay ka noqoto goaankeeda xanibaya xuquuqda dhaqdhaqaaqa ee qaxootiga.

Hay’ada UNHCR oo qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa iyana Kenya fartay in ay ka noqoto goaankeeda ku wejahan Qaxootiga ku nool magaalooyinka dalkaasi.

Magaalada Nairobi oo qura waxa ku nool in ka badan 30,00 oo ruux oo ah Soomaalida megengelyo doonka ah ee dalkaasi ku sugan.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed