Amnesty International oo ka Digtay Ficilada Isir Sifaynta ah ee Mileteriga Myanmar Ku Hayan Muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay
Hargaysa 20. December 2016 (SDN/QJ):- Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in ficilada ay gaysanayaan milatariga Myanmar in ay noqon karaan “dambiyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah”, Ka dib markii ay soo baxeen eedaymo sheegaya in dhibaato loo gaysanayo Muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay.
Warbixintii u dambaysay ee hay’addu soo saartay ayay ciidammada dalka Myanmar ku eedaysay in ay shacabka u gaysanayaan dil, kufsi, jidh dil iyo waliba dhac.
Milatariga Myanmar ayaa gaashaanka ku dhuftey eedeyntaasi ah inuu tacadiyo gaysanayo, waxaanuu sheegay in uu hawlgallo argagixisada ka dhan ah ka wado gobolka Rakhine.
Arrintani waxay ku soo beegantay iyadoo madaxda dalalka gobolkaas ay isugu tagayaan magaalada Yangon ee caasimadda u ah dalka Myanmar si ay uga wada hadlaan dhibaatada ka taagan dalkaas.
Waa naadir in urur goboleedka ASEAN, oo ay ku midaysan yihiin toban dal oo ku yaala Koonfur Bari Aasiya in ay isu tagaan si ay uga arrinsadaan arrimo si gaar uga taagan dal xubin ka ah.
Wararka sheegaya in ay dhibaato ka taagan yihiin gobolka Rakhine ayaa billawday bishii Oktobar ka dib markii ay ciidammadu ka billaabeen hawlgal Gobolka Rakhine.
Hawlgalkaasi ayaa billawday ka dib markii maleeshiyo ay weerartay booliiska xuduudaha ilaaliya.
Bishii Novembar ee sanadkanna sarkaal ka tirsan Qarammada Midoobay ayaa sheegay in Myanmar ay wado isir tirtirid ka dhan ah qawmiyadda Rohingya, halka hay’adda xuquuqda aadanaha u doodaana ay soo saartay sawirro lagu qaaday satellite-ka oo muujinaya guryo la gubay.