|

Amnest International oo Cod dheer ku Canbaaraysay Isbahaysiga Sucuudigu hogaamiyo ee Gulufka ku haya Dalka Yemen

Washington 14. September 2017 (SDN/QJ):- Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan ilaalinta xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International ayaa dhaleecayn xoogan u soo jeedisay isbahaysiga Sacuudigu hogaamiyo ee dagaalka ka wada gudaha dalka Yaman, iyadoo ku eedeysay in ay duqeyn aan loo meel dayin ka wado dalkaasi.

Hayaddu waxa ay intaasi ku dartay in shan weerar oo ay qaadeen diyaaradaha Sacuudigu hogaamiyo ay labadii bilood ee u dembeeyey ay ku dileen dad shacab ah gudaha dalkaasi oo lagu qiyaasay ilaa afartan qof badankoodu ahaayeen Carruur.

 

Hase ahaatee xukuumada Sacuudiga oo dafirsan eedeymahan ayaa ku tilmaanatay hay’adda Amnesty International in ay ka baxsan tahay arimihii loo igmaday oo ay faraha kula jirto arimo siyaasadeed.

Comments are closed