Ammaanka Caasimada Hargeysa Oo Aad Loo Adkeeyay iyo Ciidamo Tiro Badan Oo Waddooyinka Lasoo Dhoobay
Hargeysa,10Nov,2015(QJ/SDN)-Iyadoo la filayo in goordhow uu Hargaysa ka furmo shirka golaha dhexe ee KULMIYE ayaa ilaa xalay ilaa saaka laga dareemayaa Magaalada ciidamo dheeraad ah oo jidadka ku sugan. Gaadiidka ayaa lagu baadhayaa meelo badan oo magaalada ah, waxaanu boolisku ku foogan yahay ammaanka.
Waddooyinka gala goobta uu shirku ka dhacayo oo ah Hutteel Maansoor iyo agagaarka Hutteelkaba ayaa waxa la dhigay ciidamo aad u tiro badan kuwaas oo la sheegay in ay ammaanka sugayaan.
Wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancadde iyo taliyaha Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in xaaladda amaanka ee dalku ay tahay mid caadigeedii hore ah. Waxayna sheegeen in guud ahaan dalka la galiyay heegan gaar ahaanna magaalada Caasimadda ah Hargeysa.
Shirka KULMIYE ayaa waxa ka maqan Murrashixiinta isbahaystay ee Cabdicasiis Maxamed Samaale,Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Kijaandhe sidoo kale waxaan ka qayb galayn wasiiradii xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dhawaantan iska casilay.
Ugudaneyntii, waxa goordhaw lagu wadaa in si rasmi ah uu u furmo shirweynihii golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, iyadoo la filayo in halkaasi lagu dooran doonno murashaxa madaxweyne iyo ku-xigeenka ee xisbiga KULMIYE.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ammaanka ee dalka ayaa ah guud ahaan mid degan mana jiraan illaa hadda meelo laga soo sheegay wax dhibaato ah oo ku aadan arrintan.