|

Ammaan-xumada Muqdisho Oo Keentay In Baarlamaanku Fasax Sharci-darro ah Galaan

Muqdisho:July,07,2014(SDN/QJ)-Warar u dhuun daloola arrimaha siyaasadda soomaliya, ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari ku wargeliyey mudanayaasha Baarlamaanka inay iska maqnaadaan ilaa inta ammaanka wax laga qabanayo.

jawaari99Warkan  oo laga helay ilo mudanayaasha ku dhaw ayaa sheegay in goor hore lagu wargeliyey xildhibaanada inay fasax ku maqnaadaan inta la arkayo isbeddel la isku aamini karo, maadaama xildhibaano badan maalin cad lagu laayey Badhtamaha Muqdisho.

Shalay waxaa kulan xasaasi ah yeeshay gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka, iyo sidoo kale gudoonka sare ee Baarlamaanka, kaa oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee ku dhextaal Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Guddoomiye Jawaari ayaa halkaas ka sheegayo erayo u dhignaa inta ammaanka wax laga qabanyo Xildhibaanadu Ha Nastaan oo ha iska joogaan.

Qaar ka mid ah mudanayaashii xilligaas Goob joogga ahaa ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Halkaas lagu kala dareeray, loona qaatay in kalfadhigii baarlamaanku xidhmay ilaa xaaladdu is beddelayso.

Kooxda Al-shabaab ayaa weeraro ku qaaday xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, dhanka kale magaalada waxaa lagu dilay xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka.

 

Hadaba taasi waxay dhalisay in xildhibaanada ay xilligan amaankooda u baqaan, waxaana  dowladda Xasan Sheekh looga baahanyahay in deg deg ay wax uga qabato amaanka guud ee dalka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed