AMISOM Oo Maanta Hoggaan Cusub Yeelatay
Muqdisho:16-Dec-2013(SDN)-Ciidamada Amisom eek u sugan Somalia ayaa maanta yeeshay Hoggaan cusub kadib markii la Beddelay Hoggaankoodii hore.
Taliyahan cusub oo lagu magacaabo gaashanle sare Silas Ntigurirwa una dhashay Dalka Burundi, wuxuu xilka kala wareegayaa Gen. Andrew Gutti oo u dashay dalka Uganda kaasoo hayay bishii May sanadkii 2012.
Waa markii ugu horreysay oo Burundi ay la wareegto howgalka AMISOM tan iyo sannadkii 2007-da xilligaas oo ciidamada AMISOM ay yimaadeen Soomaaliya.
Howgalka AMISOM ayaa ciidamada ugu badan waxaa ku deeqay dowladda Uganda, waxaana ciidamada ku jira ay ka kala socdaan dalalka Uganda, Burund,Jabuuti, Sierra Leone, iyo Kenya, sidoo kale Itoobiya oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa ku biiri doonta howlgalka AMISOM.
Isbedelka lagu sameeyey Hoggaanka sare ee Ciidanka nabad ilaalinta u jooga Somalia ayaa lagu macneeyey mid looga jeedo dardar gelinta hawlaha ciidanka iyo sidii looga midho dhalin lahaa ilaalinta nabadda ay u igman yihiin ciidankaasi.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com