|

Amisom oo Wax laga Xumaado ku Tilmaantay Qaraxii ka Dhacay Garoonka Aadan Cade

Muqdisho 13.Feb 2014 (SDN)- Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa cambaareeyay weerarkii duhurkii maanta ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Ambassador Mahamat Saleh AnnadifQaraxa oo loo adeegsaday gaari laga buuxiyay walxaha qarxa ayaa sababay dhimashada lix qof oo rayid ah iyo dhaawaca 15 kale. Qof dumar ah ayaa ka mid ah dadka ku naf waayay weerarka.

Danjire Annadif ayaa tacsi u diray ehelada iyo saaxiibbada dadkii ku dhintay weerarka.

Wuxuu ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed inay gacmaha is qabsadaan oo ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka ee ku howlan la dagaallanka Al-Shabaab.

Danjiraha ayaa sheegay in ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda ay qaadi doonaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo badbaadada dadka rayid ah ee Soomaaliyeed.

Ciidamada ammaanka AMISOM ayaa isla markiiba gaaray goobta si ay u caawiyaan daad-guraynta dadka dhaawacmay iyo ilaalinta goobta ay wax ka dhaceen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed