|

AMISOM oo sheegtay in Saraakiil ciidankooda ka tirsan ay waxyeello kasoo gaartay Qaraxii Kismaayo

Kismaayo,23Aug,2015(QJ/SDN)-Waxaa soo kordhaya khasaaraha ka dhashay Weerar Is-miidaamin ahaa oo maanta xooga ka tirsan Al-shabaab ku Qaadeen Jaamacadda Kismaayo oo Tabbabar lagu siinayay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Somalia.

 

Qoraal kooban oo  lasoo dhigay Barta Twitter-ka AMISOM ayaa lagu Sheegay inay weerarkaas Waxyeello ka soo gaartay Qaartay ka mid ah Saraakiishooda.

Sidoo kale, AMISOM ayaa Xaqiijisay in halkaas ay ku dhinteen 11 ruux oo laba ka mid ah qof ay sheegeen inay ahaayeen xoogaggii Weerarka soo Qaaday, Sagaal kalena kalena ay ka tirsanaayeen ciidamada millateriga Somalia, lana hayo laba qof oo looga shakisan yahay in Weerarka ay ku jireen.

“Weerarkii Kismaayo waxaa ku dhaawacmay seddax sarkaal oo tababarayaal ah, waxaana dhintay Sagaal Askari oo Ciidamada Xoogga ka tirsan, laba ka mid ah kooxda weerarka soo qaaddayna way dhinteen, Ciidamada Xoogga Dalka Waxaa kaloo ka dhaawacmay lix qof. Waxaana la hayaa laba qof oo lagu tuhunsa yahay inay ku lug lahaayeen Weerarkaas,” ayaa lagu yidhi Qoraalka AMISOM ee Twitter-ka lasoo dhigay.

Ugu dambeyn, Weerar Is-miidaaminta ah ayaa aroornimadii maanta lagu Qaaday Xarunta Jaamacadda Kismaayo oo tababar lagu siinayya ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya.

 

Comments are closed