|

AMISOM oo mar kale shaacisay in ay Qabsatay Garoonka Duyuuradaha Dayniile

Muqdisho April 21,2012(SDN)-Taliska ciidamada AMISOM ee Muqdisho ka hawl gala ayaa sheegay in ay xalay ciidamadoodu ku duuleen isla markaana qabsadeen Garoonka Duyuuradaha ee Daayniile.

Taliye xigeenka AMISOM Major Jen. Audance Nduwumunsi ayaa qoraal uu soo saray ku sheegay in ciidamada Burundi ee AMISOM ay haatan gacanta ku hayaan degmeda Dayniile iyo Garoonkeedaba.

Garoonkan ayaa waxa salaxay Hogaamiye Kooxeed Maxamed Qanyare oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ma aha kolkii u horeysay ee ciidamada AMISOM shaaciyaan in ay qabsadeen Garoonkan,ee dhamaadkii bishii hore ayay sheegasho noocan oo kale ahi beenoowdey.

AMISOM kama hadal wax khasaare ah oo ka dhashay hawlgalkaasi ay xalay ku qaadeen Dayniile.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed