|

AMISOM oo Laga Soo Saari Doono Soomaaliya Sanadka 2018

Muqdisho,19,7,2016 (QJ/SDN) – Midowga Afrika ayaa waxaa uu haatan kutalamayaa inuu AMISOM kasoo saaro Soomaaliya sanadka 2018 sida uu sheegay sargaal sare oo ka tirsan ururka Midowga Afrika.

Smail Chergui oo ah Guddoomiyaha arimaha Nabadda iyo Ammaanka ee ururka midowga Afrika ayaa Isniintii shalay ahayd sheegay in kasoo saarida ciidamadaa Soomaaliya ay u saamixi doonto Soomaalida inay dalkooda u tashadaan oo hantaan.

‘Waxaanu qorsheyneynaa inaan tababarno oo qalabeyno ciidamada Soomaalida ah ka hor intaanaan kasoo bixin dalka’. Sidaa ayuu yiri. Wuxuu sidaa ka sheegay shirka madaxda Afrika ee Kigali Rwanda.

‘Waxaanu u baahan nahay Soomaaliya nabad ah oo ah dal laga qaddariyo dhammaan xaquuqul insaanka muwaadiniinta’. Intaa ayuu raaciyay.

Dalalka kale ee uu ka hadlay Chergui waa Burundi iyo Koofurta Suudaan oo colaado ay ka aloosan yihiin iyana.

Wuxuu sheegay in xaalad adag ay ka jirto Koofurta Suudaan isla markaana loo baahan yahay in QM ay ciidamo nabad ilaalin ah durba u dirto.

 

Comments are closed