AMISOM oo ka Walaacsan Khilaafka soo Kala dhex galay Madaxda Sare ee dalka Somalia
Muqdisho 17.Nov 2013 (SDN)- Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa muujiyay in uu ka xun yahay khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha iyo raysul wasaaraha Soomaaliya.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo shir jaraa’id oo uu magaalada Muqdisho ku qabtay maanta, lagu weydiiyay khilaafka madaxda dowladda ayaa sheegay in AMISOM ay ka xun tahay, isla markaana uu yahay mid hakinayo howlgalkii ciidamada iyo hormarkii dalka ka socday.
Wuxuu xusay in AMISOM ay ka hor tageyso khilaafaadyada noocaan oo kale ah, isla markaana ay hay’adaha iyo xubnaha dowladda talo ka siineyso.
Col. Xumad ayaa sheegay in madaxa AMISOM uu kala hadlayo hoggaamiyeyaasha Soomaalida arrintan, talooyinna ka siinayo in la xaliyo.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com