|

AMISOM oo Ka Hadashay hakat Ku yimid maanta howlihii Shaqo ee Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho March 28 2013 (SDN)– Kadib markii maanta howshii garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ay hakad u gashay gaari la sheegay in lagu arkay waxyaabaha qarxa, ayaa arintaasi waxaa ka hadlay saraakiisha ciidamada Amisom.

Afhayeenka Ciidamada Amisom Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in shakiga ah gaariga watay waxyaabaha qarxa uu jiray hasa yeeshe ciidamada Amisom oo howlgal baaritaan ah sameeyey kadib ay arintaasi fashiliyeen baaritaankoodana aysan waxba kasoo bixin.

Cali Aadan Xumud afhayeenka ciidamada Amisom ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jeclaan laaheen in mar weliba shacabka ay xiriir kala soo sameeyaan waxyaabaha ay ka shakiyaan, arintaasina ay ka saacideyso sugida amaanka, isagoona ugu baaqay shacabka in wixii ay ka shakiyaan ay kusoo war geliyaan ciidamada Amisom, ciidamada meleteriga ee dowlada iyo ciidamada booliska si loo xakameeyo amaanka dalka.

Garoonka diyaadaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ayaa maaanta waqti kooban howshiisa hakad gashay kadib markii gaari kamid ah gawaarisa ay isticmaasho shirkada SKA ee maamusha garoonka la sheegay in lagu arkay waxyaabaha qarxa, ayadoona arintaasi ugu dambeyn Amisom ay beenisay.

SDN-Muqdisho

Comments are closed