|

AMISOM oo ka digtay in la carqaladeeyo nidaamka Roadmapka

Muqdisho April 27,2012(SDN)-AMISOM ayaa ka digtay in la carqaladeeyo nidaamka kala guurka ee looga gudbayo xiliga KMG ah ee Soomaaliya.

Ku-xigeenka u qaabilsanaha AMISOM ee Soomaaliya Wafula  Wamunyinyi  ayaa sidaa ka sheegay shir jaraaid oo uu Muqdisho ku qabtay.

“Waxaanu soo maray marxalado dad ku dhinteen si halkan loo soo gaadho,mana ogolaan doono in la carqaladeeyo Roadmapka”ayuu yidhi Mr Wafula.

Mr Wafula waxa intaa uu ku daray in inta ka horeysa bisha May ee ina heysa la dhameyn doono soo xulida odeyada dhaqanka,ansixinta Dastuurka iyo soo xulida xubnaha Baarlamaanka.

Mr Wafula ayaa u digay dad uu ugu yeeray rabshooleyaal in ay isku dayaan in ay carqaladeeyaan dhabaha nabada Soomaaliya.

Mr Wafula ayaa Muqdisho u tegay in uu xilaka u kala wareejiyo taliyeyaasha AMISOM ee dhawaanta xilka loo kala bedelay.

Waxaanu ciidamada Africa ku amaanay guulihii u danbeeyay ee ay ku qabsadeen Dayniile iyo Maslax oo labaduba ay hore gacanta ugu hayeen Al SHabaab.

sdn-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed