|

AMISOM Oo Dawladda Chine Ka Heshay Saanad Militeri Oo Qiimaheedu Dhan yahay $5.5 Million

Kampala:Aug,14,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Shiinaha, ayaa Xoogagga AMISOM eek a dagaallama Gudaha Somalia ugu deeqday agab militeri oo lagu qiimiyeeyey $5.5 milyan, iyadoo agabkaasna si gaar ah loo siiyey Ciidamada Dalka Uganda.

chio Col. Paddy Ankunda, Afhayeen u hadlay Ciidanka Difaaca Uganda ayaa u sheegay Xinhua inay Ciidankooda jooga dalka Soomaaliya ka heleen China Qalab Military oo kala ah 12 Gaadhi oo Nooca Ciidanka lagu qaado, 4 Booyadaha Biyaha lagu qaado ah iyo Wiishash.

Waxa uu sheegay Col. Paddy Ankunda in Deeqdan ay wax badan ka tarayso Howlgalka Ciidanka Uganda ee dalka Soomaaliya, kaasi oo ay isku jiraan dalal badan oo Gobolka Geeska Africa ku yaalla.

Qalabkan Military ayaa waxaa loo soo mariyay Ciidan AMISOM Safaaradda China ee ku taalla dalka Uganda, waxaana China ay uga mahadcelisay Xukuumadda Kampala Dadaalkeed ku aadan Nabad kusoo celinta Soomaaliya.

Ciidanka Uganda, waa Ciidankii ugu horeeyay oo taga Soomaaliya 2007, waxaana sidoo kale ay yihiin Ciidanka ugu badan ee ku jira Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed