|

AMISOM Oo Baadhitaano Xadka Ka Baxsan Ku Samaysay Dadka Masaajidada ku Cibaadaysanaya iyo Shacabka oo Arrintaas Ka Cadhaysan

Muqdisho:July,2014(SDN/QJ)-Waxa Soo Badanaya Tallaabooyinka Xadka ka Baxsan ee Ciidamada Midowga Afrika ka wadaan Goobo ku Yaalla Muqdisho, gaar ahaan Goobaha Masaajidada ah ee LLagu Cibaadaysto.

soeCiidamadan ayaa Ayaamahan dambe Bilaabay inay Baadhitaano ku sameeyaan Dadka ku Tukanaya Masaajidada Madaxtooyada u dhaw, iyagoo irrida hore ee Masaajidadaas  six ad-dhaaf ah ugu baadhaya Shacabka soomaaliyeed ee Halkaas cibaadada u imanaya.

Arrintan ayaa si weyn loo dareemay shalay ciidii, iyadoo masaajidada ay madaxda Dawladdu ku tukanaysay lagu arkayey Boqolaal ka tirsan Ciidamada AMISOM oo Albaabada ku baadhaya dadka salaadda u yimi.

Shacabka ayaa si weyn uga Xumaaday  in ciidamo aan haysanin Diinta Islaamku ay Baadhitaano ka sameeyaan Goobaha Lagu cibaadaystao, iyadoo ay Hareerahooda Joogaan Ciidankii soomalida oo  iyagu ah kuwo Muslim ah.

Sidoo kale waxa ay shacabku tilmaamayaan in Tallaabooyinka Noocan oo kale ahi ay dhiirrigelinayaan inay Dad badani Taageerayaal u noqdaan Kooxda Al-shabaab oo iyagu dagaal kula jira Ciidamadan.

Inta badan hore umay dhici jirin in ciidamada Amisom ay Masaajidada galaan oo daka ku baadhaan, waxase ay taasi dhacday  markii Madaxda Xukuumaddu ay aamini waayeen ciidamadda Somalida oo iyagu xaq u lahaa inay Dadkooda Baadhaan.

Sharaf-dhac iyo Liidnimo ayaa dadku u arkaan In  nin muslim ah oo soo weysaystay uu Nin aan Diintiisa Haysanini ku Baadho Beydkii ilaahay ee uu u yimi Cibaadada iyo Alla Ka-cabsiga.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed