Amiirka Guud ee Ururka Alshabaab & Nuxurka Fariin uu u diray Bulshada Soomaalida Iyo Dalalka Shisheeye ee Lugta ku leh Siyaasadda Soomaalida
Muqdisho 03. September 2017 (SDN/QJ):- Amiiirka guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Axmad Cumar Abu Cubaydah ayaa fariin maqal ah uu kusoo beegay munaasabada Iida soo diray, waxa uuna Fariintan kaga hadlayaa arimo kala duwan oo xaalada dalka kamid tahay.
Fariinta uu soo diray Amiirka Al Shabaab ayuu kaga hadlay howlgalka ay qeybta ka yihiin Ciidamo Mareykan ah oo dalka ku sugan, waxa uuna sheegay in faragalinta Mareykanka ku heyso arimaha Soomaaliya uu gaaray heerkii ugu sareeyay.
“Faragelinta uu Mareykanku ku hayo Soomaaliya waxay gaartay heerkii ugu sareysay abid taariikhda Somalia taas oo halis ku ah jiritaanka Umaddan iyo madaxbanaanideeda” ayuu yiri Abuu Cubeydah.
Amiirka Al Shabaab ayaa sheegay in Dowlada Mareykanka saldhigyo ka furteen Soomaaliya ay ku heestaan ciidamo iyaga u shaqeeya oo Soomaali ah, waxa uu sidoo kale Mareykanka ku eedeeyay Amiirka in ay ka shaqeenayaan sidii loo kala fur furi lahaa Hogaanka kooxda Al Shabaab.
“In Mareykanka uu saldhigyo ka sameystay wadanka, uuna soo dhisay ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo uu isaga si toos ah u maamulo iyo maamulo dabadhilifyo ah oo siyaasadoodu ku dhisan tahay marin habaabinta bulshada, Waxaa intaas barbar socda isku day uu ku doonayo Mareykanka h in uu ku kala jabiyo safka Mujaahidiinta si umada looga leexiyo dhabaha toosan ee ay ku taagan tahay meeshana looga saaro awoodda ciidan ee caqabada ku ah fulinta qorshahooda”. Ayuu Amiirka Al Shabaab.
Amiirka Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in Ganacsatada kunool magalaada Muqdisho lagu hayo caga jugkeyn iyo dhibaato, waxa uuna dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in shirkado ajaaniib ah gacanta u galisay ilihii dhaqaalaha ee magaalada.
Abuu Cubeyda ayaa sidoo fariin u diray Dagaalyahanada Ajaaniibta ah ee kusugan Soomaaliya kana tirsan Al Shabaab, waxa uu tilmaamay in dagaalyahanadaasi ay u samreen dhibaatooyin badan ayna diyaar u yihiin in diinta u dagaalamaan.
“Waxaad ogaataan Jihaadka maanta Soomaaliya ka socda ma ahan mid Soomaalida kaliya u gaar ah balse waa Jihaad Umadda Islaamka oo dhan ka dhexeeya lagana rabo in ay ka qeybqaataan, naf iyo maalna ku bixiyaan, Soomaaliyana waa qalcad ay leeyihiin Muslimiinta oo idil, hooy iyo gabaadna u ah qofkastoo Muslim ah oo diintiisa la soo cararay, rabana in uu shareecada Islaamka ku hoos noolaado” Ayuu yiri Cubeyda.
Amiirka Al Shabaab ayaa ugu dambeyn fariin u diray dagaalyahanada Al Shabaab ee dagaalka kula jira dowlada Soomaaliya iyo ciidamada taageera, waxa uuna ku booriyay in ay u dhabar adeegaan dagaalka ay ku jiraan .
“Waxaad maanta kor u sidaan waa Raayadii Nabigeena, waxaana rajeynayaa in aad ku taagan tihiin wadadiisii iyo hadyigiisii, waxaad u halgameysaana waa koryeelidda risaaladiisii, waxaad la dagaalameysaan waa cadowgiisii ee ha dhayalsanina muhiimada aad xaqiijineysaan. Arimaha Umadda dhaawaca ah markasta qalbiga ku hayya, waxaadna ogaataan in aad tihiin jeyshkii u gurman lahaa muslimiinta Filistiin, waxaad sidoo kale gurmad iyo garab u tihiin walaalahiin Mujaahidiinta ah ee daafaha aduunka ka dagaalamaya”.
Hadalka kasoo baxay Amiirka Al Shabaab ayaa kusoo aadaya xili kooxdaasi ay xiligan wajahayaan duulaan kaga imaanaya ciidamada dowlada iyo ciidamo Shisheeye, waxaa sidoo kale wajahayaan duqeymo ay geesanayaan diyaaradaha dwlada Mareykanka.