|

Amiirka Cusub Ee Xarakadda Alshabaab Sheekh Axmed Cumar(Abu Cubeyda) Oo Markii Ugu Horreysay Dhambaal Soo Diray- Akhri Nuxurka Dhambaalkaas.

hsmMuqdisho,19july,2015(QJ/SDN)-Amiirka cusub ee xarakada Alshabaab Sheekh Axmed (Abuu Cubeyda) ayaa markii ugu horreysay soo saaray dhambaal uu uga hadlayo arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda soomaaliya iyo guud ahaanba bariga afrika.

Amiirka Xarakada AlShabaab Axmed Cumar(Abuu Cubeyda) ayaa soo diray dhambaal tahniyadeed oo ku aadan Munaasabadda Ciidda, kuna socda Umadda Islaamka Meel waliba oo ay joogaan, Waxaana uu sidoo kale dhambaalkan kaga hadlayaa arimo dhowr ah.

Amiirka ayaa ugu horeyn Umadda Islaamka ugu hambalyeeyay Munaasabadda ciidda, Wuxuuna u sheegay Muslimiinta in ciiddan ay timid Xilli deegaanada ay gacanta ku hayaan iyo ciidamadoodu ay ku jiraan horumar iyo badhaadhe, Islamarkaana ay xaqiijiyeen guulo waaweyn oo ka dhan ah cadowga Alle. Sida uu yidhi.

“Umadda Islaamka aheey, Ciiddani waxay inoo timid Xilli Wilaayaadka Islaamiga iyo ciidankooda Allah fadligii ay ku jiraan horumar iyo barwaaqo, Sidoo kalena Shareecada Alle ay maamuleysa dhulka, Mujaahidiintuna ay guullo xidhiidh ah ka gaadhayaan dagaalka ay kula jiraan cadowgooda. Guulahaas oo kuwii ugu dambeeyey ay ahaayeen firxadkii saliibiyiinta ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah intii lagu guda jiray Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan, Allah oo kaliya ayaan ku mahadsan oo guulahaas na siiyey” ayuu Abuu Cebeyda Ku yidhi dhambaalkiisa.

Sidoo kale, Hogaamiyaha Xarakada AlShabaab wuxuu sheegay in uu fashilmay shirqoolkii uu cadowga u soo maleegay Umadda Islaamka ee lagu doonayey in lagu kala dhantaalo maamulada Islaamiga ee Wilaayaadka, Wuxuuna tilmaamay in dowlado dhowr ah oo ay ugu horeeyaan Turkiga iyo Imaaraatka carabta ay ku hungoobeen damacyadii ay ka lahaayeen Soomaaliya.

Wuxuu Aad u Amanay qabaa’ilka Soomaaliyeed, Isagoo ugu baaqay inay sii kordhiyaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada shisheeye.

“Anagoo ka faa’ideysanaya fursaddan waxaan doonayaa in aan halkaan ka bogaadiyo qabaa’ilkeena halyeeyada ah, Anigoo ugu hambalyeynayo nafhurka ay ku bixiyeen, welina ay ku bixinayaan dhiigooda iyo maalkooda si ay ugu hiiliyaan diinta Alle, Waxaana markale ugu celineynaa baqeena ah in ay sii wadaan dagaalka Jihaadka. Waxaan leenahay Ansaarta ugu wanaagsan u noqda diintan, Kuna dayda wadada Awoowayaashiinii idinka horeeyey ee Ansaartii Aws iyo Khazraj” Ayuu yidhi.

Mar uu soo hadal qaaday dagaalka Millatari ee ka dhanka ah cadowga Ciidamada shisheeye., Wuxuu tilmaamay in howlgalada ciidamadiisu ay ku socdaan dardar xoogan tiro ahaan iyo tayyo ahaan intaba, Wuxuuna xusay in ciidamada alshabaab ay xaqiijiyeen guulo aad u waaweyn.

Wuxuu aad u Amaanay Guuto uu magacooda ku sheegay “Ashahiid Abuu Zubeyr” taas oo loogu magac daray amiirkii hore ee xarakada alshaab. Axmed Cabdi Godane, oo loo yaqaanay (Abu Zubeyr) shabaab dhexdood.

“Waxaan Sidoo kale isla munaasabaddan halkaan ugu bishaareyneynaa umadda Muslimka ah dhismaha Guutada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay taas oo ah “Guutada Ashahiid Abuu Zubeyra –Allaha ka aqbalo Shahaadadiisee- Waxaana ku dhiira gelineynaa Fursaanteeda iyo geesiyaasheeda bilowga xoogan ee ay ku dhaqaaqeen, Waxaana u direynaa tahniyad ku aadan Munaasabadda Ciidda, Waxaana ugu hambalyeyneynaa camaliyaatkoodii ugu dambeeyey ee gilgilay Tiirarka Kufriga. Waxaan idiin leenahay horay u socda oo Kordhiya weeraradiina ka dhan ah Kufaarta, Waxaana Allah weydiisaneynaa in uu idiin xifdiyo, Hadafkiina iyo go’aankiina uu sugo”. Ayuu yidhi.

Axmed Cumar Abu Cubeyda, wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday xaaladaha ay ku jiraan Muslimiinta Kenya, Ethiopia, Afrikada dhexe, Djibouti iyo Uganda, Isagoo xusay in Ciidamadoodu aanay marnaba ka joogsan doonin in ay kaalmeeyaan dadkaas.

Wuxuu sidoo kale hadal qaaday musiibooyinka adag ee heysta Muslimiinta Burma, Isagoona dadka Muslimiinta ugu baaqay in ay u gurmadaan dadkaas, ayna ku taageeraan waxwaliba oo ay awoodaan.

ugu dambeyntii Wuxuu Hoggaamiyaha Alshabaab dhambaalkiisa ku soo gabagabeeyay in Xarakada AlShabaab ay weli ku taagantahay dhabihii ay ku geeriyoodeen hogaamiyeyaasheedii hore, ayna sii wadi doonto dagaalka Jihaadka iyo hirgelinta ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Comments are closed