|

Ambassador Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) oo Ku Geeriyooday Magaaladda New York ee Maraykanka & Xog Waran Noloshiisa ah oo uu Siiyay Barnaamijka Xusuus Reeb DAAWO

New York 06. May 2017 (SDN/QJ):-Alle ha u naxariistee waxa Dalka Maraykanka ku Geeriyooday Marxuum Ambassador Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta Somaliland ee Caanka ka ah Dhulka Soomaalida.

Geerida Marxuum Sifir waxa Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweynaha ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ambassador Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) oo ku geeriyooday 05.05.2017, dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada New York City.

Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dhamaan ummadda ku hadasha afka Soomaaliga, gaar ahaan Reer Somaliland, waxaanu marxuumku ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu magaca weyn dhulka Soomaalidu degto, xilkii u danbeeyey ee uu Qaranka somaliland ka soo qabtayna waxa uu ahaa Safiirka Somaliland ee Dalka Kenya u fadhiya.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Comments are closed