|

Ambassador Mahiga: “Al-Shabaab waxay ku socdaan Somaliland iyo Puntland, waxayna…”

Hargeysa 22, April 2012 (Qurbejoog.com)- Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga, ayaa sheegay in Al-Shabaab xilligan khatar ku tahay Somaliland iyo maamul-gobolleedka Puntland.

Amb. Mahiga oo Jimcihii doraad socdaal ku yimi Hargeysa, shalayna u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA, waxa uu sheegay in firxadka Al-Shabaab ay haatan u soo baxsadeen dhinaca degaamada waqooyi, taasina ay khatar ku tahay amniga Somaliland iyo Puntland, taasoo sida uu sheegay ka dambaysay markii lagu wiiqay Koonfurta iyo badhtamaha Somalia. “Al-Shabaab oo lagaga adkaaday Koonfurta iyo badhatmaha Somaliya, waxay hadda marin ay u baxsadaan ka raadsanayaan dhinaca waqooyiga, taasoo khatar dhinaca amaanka ah ku keeni karto Somaliland iyo Puntlandba,” ayuu yidhi danjiruhu.

Ambassador Mahiga oo intii uu Hargeysa ku sugnaa wadahadalo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda, waxa uu tilmaamay waxyaabihii ay Madaxweyne Siilaanyo ka wadahadleen, wuxuuna sheegay in Madaxweynuhu dalbaday in cunaqabataynta dhinaca hubka laga qaado Somalia.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed