|

Amarkii Ugu Cuslaa ee La Xidhiidha Adeegsiga Magaca Al-shabaab Oo Maanta La Dul Dhigay Warbaahinta Muqdisho Ka Hawlgasha

Muqdisho:May,03,2015(SDN/QJ)-Warbaahinta Muqdisho ka Hawlgasha, ayaa Maanta laga bilaabo wajihi doonta shuruud adag oo Hay’ada Nabadsugidda Soomaaliyeed kasoo saartay Adeegsiga Magaca Xarakada Al-shabaab.

kekeoTaliyaha Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Jen . Cabdi Raxmaan Tuur yare oo maanta ka hadlay Munaasabad lagu qabtay Hotelka Jaziira oo lagu xusayay maalinta Saxaafada Aduunka ayaa amar kusoo rogay Warbaahinta Madaxa Banaan.

Jen . Cabdi Raxmaan Tuur yare ayaa ku amray Warbaahinta ka howlgasha Magaalada Muqdisho in maanta wixii ka dambeeya aanay isticmaali Karin Magaca Xarakada Al-Shabaab taa badalkeedana Warbaahinta laga doonayo in ay Isticmaalaan Magaca UGUS.

Waxa uu tilmaamay in Warbaahinta aan qaadan amarkooda iticmaashana Magaca Al-Shabaab in ay u aqoonsan doonaan in ay kooxdaasi kamid yihiin, waxa uuna uga digay Warbaahinta Muqdisho isticmaalka Magaca Al-Shabaab.

Taliyaa Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ayaa Xarakada Al-Shabaab ku tilmaamay Cudur ku dhaca Dhimirka, waxa uuna xusay in ay cudurkaasi talaalka ay u hayaan uu yahay in xabsi ku guraan waxii Shabaab ah sida uu hadalka u dhigay.

Warbaahinta Madaxa banaan ayaa culeys hor leh oo soo wajahay ku tilmaamay amarkan cusub ee maanta kasoo baxay Hay’ada Nabad Sugida Qaranka, lamana oga sida uu u dhaqan gali doono amarkan kasoo baxay Nabada Sugida.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Somalidiasporanews.com

Comments are closed