|

Amarkii Madaxweyne Donald Trump oo Dhaliyey in Garsoorka Dalkaasi Khilaaf Sharci ka Dhex Dhasho & Xaakin Buriyey Go’aankaas Iyo Difaaca Aqalka Cad DAAWO

Washington 06. February 2017 (SDN/QJ):- Kadib Laba Todobaad ka Hor Markii Madaxweyne Donald Trump uu Qallinka ku duugay Mid ka mid ahaa Balanqaadyadiisii Xiligii Ololaha Doorashada Isla Markaana uu Xayiraad Saaray Socotada ka timaada Todoba dal oo Islaam ah Oo Somalia ku Jirto una diiday inay Dalka Maraykanka Soo Galaan Sababo la Xidhiidha Amniga Maraykanka ayaa waxay Qadiyadani dhalisay Is maandhaaf Soo Kala dhex galay hay’ada Garsoorka ee Dalkaasi & Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

Qaybo ka mid ah Xaakinada Maraykanka iyo Waaxda Caddaaladda ee Dalkaasi ayaa ku doodaya in amarkan Madaxweyne Trump uu Gef ku yahay dalka Maraykanka oo Saxeexay Qaanuunada Caalamiga ah ee damaanad qaadaya Xuquuqda Aadamaha,Markii uu soo baxay Qaanuunkan waxaa Gaashaanka ku Dhufatay Sharciyadiisa Ku Simihii Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dalka Maraykanka waxay tani fursad siisay dad Kooban oo Xiligaas ku Xanibnaa qaar ka mid ah Madaarada dalkaasi Kuwaas oo loo fasaxay inay ku noolaadaan Maraykanka amase ay ku soo qaataan Nasashooyinka ay u yimaadeen iyadoo Ku Simihii Xeer ilaaliyaha Guud ee Maraykanku Cuskatay Qodob ka mid ah Xeerka Socdaalka Maraykanka oo Sheegaya in hadii Qof ka soo dego Gegooyinka Diyaaradaha amase uu soo Galo Xudduuda dalkaasi aan dib loo Celin Karin.

Hasa Yeeshee Waxaa arrintaas si Cadho Leh uga Jawaabay Madaxweyne Donald Trump oo Sheegay in Ku Simaha Xeer ilaaliyaha Guud ee Maraykanka oo ka Mid ahayd Mas’uuliyiintii Madaxweynihii uu Xilka kala wareegay ee Bark Obama ay ku geftay awaamiirtiisa Waxaanu soo saaray Digreeto uu Xilka kaga qaaday isagoo Magacaabay Xeer Ilaaliye Guud oo ansax noqonaya Markay Ogolaadaan Golaha Senet-ku.

Xeer Ilaaliyaha Cusub ayaa Saacad kadib Magacaabistiisa Wuxuu si Hanjabaad ah ula Hadlay Waaxdda Caddaaladda ee Dalka Maraykanka oo uu ku Booriyey inay u dhego Nuglaadaan Awaamiirta Madaxweyne Trump.

Hasa Yeeshee Waxay Kacdoono Sharci oo amarkaas lagaga soo hor jeedaa ka Bilaabmeen ilaa 17 Gobol oo ka tirsan dalka Maraykanka oo sheegay in aanay u Hogaansami doonin Awaamiirta Khaldan ee Ka soo fulaya Madaxweyne Trump oo ay ku doodeen inay kala Takoorayaan Bulshada Isla Markaana Ku Sifaynayaan Muslimiintu inay Yihiin Argagixiso.

Geesta Kale Xaakim sare oo katirsan Federaalka Mareykanka ayaa ka hor yimid xanibaadii Madaxweynaha Dowlada Mareykanka kusoo rogay in dalka Mareykanka soo galaan dadka kasoo jeeda todobo wadan ay Soomaaliya ku jirto.

 

Xaakimkan oo lagu magacaabo James Robart ayaa si KMG ah u hor istaagay amarkii xanibaada ahaa ee kasoo baxay Madaxweyne Donald Trump , waxa uuna gaashaanka u daruuray is hortaagid ka timid qareeno u doodaya Dowlada Trump.

James Robar ayaa sheegay in amarka Xayiraada ah uu soo rogay Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka si deg deg ah loo qaadi karo sidoo kalana la dhageesanayo kiiska xaga sharciga ah ee ku aadan amarkan.

Go’aanka Xaakimkan ayaa waxaa ka faa’iidaystay Dad badan oo ku Xanibnaa Madaaradda dalkaasi Sidoo kale Shirkadaha Diyaaradaha ayaa Iclaamiyey inay soo qaadi karaan Socotada ka imanaysa 7-dii dal ee Madaxweyne Trump Xayiraada sida gaarka ah u saaray.

Qareenada u doodaya Dowlada Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Xukuumada ay racfaan deg deg ah ka qaadan doono xukunkan, waxaana kiiskan uu caqabada ku noqday Madaxweyne Donald Trump iyo Dowladiisa.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa Sheegay in Xaakin James uu ku Gefay Amarkii Madaxweynaha Waxaanu Xusay in Go’aanka Trump inuu ahaa mid faa’iido u ah Amniga Maraykanka.

Tobonaan kun oo Viisaha lagu galo dalka Mareykanka ayaa dowlada dib ula laabatay tan iyo markii uu Madaxweynaha cusub ee Mareykanka soo saasary uuna saxiixay amar lagu xadidayo socdaalka dadka ka imaanaya 7-wadan oo Muslimiin ah.


 

Comments are closed