|

Amar Madaxtooyada Ka Yimi Oo Lagu Xidhay Wasiir Bil Ka Hor Xukuumadda Ka Tirsanaa Oo Baahiyey Siro Muraara-dillaac Keenay

Hargeysa:May,30,2014(SDN/QJ)-Waxa ay  ciidamada RRU-du Xalay aqalkiisii kala soo baxeen Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga  Cabdilaahi Abokor Cismaan oo maalin ka hor bixiiyey Farriimo aany xukuumaddu ku farxin oo ku saabsan Hab-dhaqan  hoose oo ay leeyihiin xubno Wasiirrada ka tirsani.

ina bao Guriga wasiirka oo ahaa agagaarka Hotel Maansoor ayaa rasaas badan laga maqlaayey taasi oo ay isweydaarsadeen ciidanka RRU-da iyo rag ku sugnaa guriga wasiirka ,isla markaana rasaaseyn xoogani ka dhacdey in muddo saacad ah iyadoo ay qolaba qolada kale rasaasta ugu jawaabeyay.

 

Xadhiga masuulkan ayaa u muuqday mid xukuumaddu kaga war celinayso warar ay ka damqatay oo Cabdillaahi Abokor Maalmihii u dembeeyey Warbaahinta siiyey kuwaas oo uu ku durayay Kooxo uu ku tilmaamay qaswadayaal wadaado ah oo xukuumadda ku dhex jira.

 

Cabdillaahi Abokor ayaa ka mid ahaa masuuliyiin dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Xilka ka qaaday, isla-markaana ay si gaar ah isku dhaceen Marwada Qaranka,  oo uu sheegay inay shaqadiisa ku farogelisay.

 

Cabdilaahi Abokor ayaa maalintii shlay si weyn u cambaareeyey falkii dagaalka ahaa ee xukuumaddu ka riday Magaalada Berbera, kaas oo dad shacab ah rasaas lagu furay isla-markaana lagu xidhxidhay Madax iyo xildhibaano ka tirsan xisbiga kulmiye.

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed