Amanda Lindhout:Somalia kolkaan dib u booqdey cabsi iyo walbahaar ayaan dareemay
EdmontonDec 23,2011(qurbejoog.com)-Amanda Lindhout oo ah Gabadh suxuufiyad ah oo u dhalatay dalkan Canada oo mudo sanad iyo badh ah lagu heystay Soomaaliya ayaa dib u booqatay Soomaaliya.
Amanda oo xagaagii ina dhaafay gaadhay Soomaaliya ayaa sheegtay in ay halkaa dib ugu noqoto in ay ku aheyd naxdin weyn balse ay dareensaneyd in ay wax sax ah sameyneyso.
“kolkaan dib u booqday Soomaaliya waxa aan dareemay naxdin iyo walbahaar” ayay Amanda tidhi.
Amanada ayaa afar bilood oo qudha ka dib kolki la sii daayay waxa ay aasaastay urur samafal ah oo la yidhaahdo Global Enrichment Foundation oo deeq tacliin lagu gaadhsiinayo Haweenka Soomaaliyeed.
Amanda iyo suxufi kale ayaa Somaliya lagu qafaashay maalmo uun ka dib kolkeey halkaa gaadheen si ay warbixino uga diyaariyaan xaaladaha qalafsan ee shacabka Soomaaliyeed ku nool yihiin.
Qurbejoog-Edmonton