Amanda Lindhout oo Shan sanadood ka dib wax ka Qortay Tacadiyo Kufsi ku jiro oo Muqdisho loogu geystay
Edmonton Sept 04,2013(SDN)-Amanda Lindhout oo ah Gabadh suxuufiyad aheyd oo Muqdisho lagu afduubtay shan sanadood ka hor ayaa buug ay haatan daabacday waxa ay ku soo bandhigtay Tacadiyadii loo geystay intii ay ku jirtay gacanta meeliishaadkii afduubtay.
Amanda oo Canada u dhalatay ayaa buugeeda ku xustay in marar faro badan nafteedu khatar gashay isla markaana ay jirtay mar midi dhuunta looga qabtay oo lala hadalsiiyay Qoyskeeda si ay u weydiisato 1 million dollars oo madax furasho ah.
Amanda Lindhout aaa si tafatiran buugan ugu soo bandhigtay Kufsi joogto ah oo ay u geysteen meelishaadkii afduubtay.
Amanda waxa ay sheegtay in ay qaateen diinta Islamka iyada iyo Nigel Brennan oo lala afduubtay s ay cafis ugu helaan.
Taasise ma suurto gelin bey tiri oo xaalada ayay nagu sii adkeysay oo waxa nala kala geeyay laba goobood bacdamaa aynaan is qabin.
Waxa hore loo shaaciyay in Amanda Lindhout ay intii ay gacanta ugu jirtay meeliishaadka dhashay wiil uu aabe u yahay mid ka mida ragii afduubtay,buugan ay haatan qortayse arrinkaa laguma soo qaadin.
Labada la heysteyaal ayaa kolkii ay dawladahoodii wax u qaban waayeen ay waalidkood ku guuleysteen in ay ururiyaan lacago madax furasho,deetana sidaa lagu sii daayay.
Amanda Lindhout ayaa haatan madax ka ah hay`ad ay aasaastay oo la yidhaahdo Global Enrichment Foundation oo gacan qabata haweenka Kiinya io Soomaaliya.
SDN-Edmonton
contact”somalidiasporanews.com