|

Amaanka Xarumaha Maamul ee Degmooyinka Caasimadda Somalia ee Muqdisho oo Kor Loo Qaaday Iyo Cabsida Jirta!!

Muqdisho 23. June 2017 (SDN/QJ):- Amaanka xarumaha Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa sare loo qaaday, kadib markii Shalay Iyo doraad weerar ismiidaamin dad badan lagu dilay lagu qaaday xarunta maamulka Degmada Wadajir Iyo Saldhiga Booliska ee Degmadda Waaberi ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyaasha cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa durbo dareemay cabsi xoogan ay ka qabaan in weerar lamid ah kii ka dhacay Degmada Wadajir iyo Saldhiga Booliska ee Waaberi in lagu soo qaado xarumaha ay ku shaqeeyaan ee kuyaala Degmooyinka gobolka.

 

Wadooyinka soo gala xarumaha Degmooyinka qaarkood ayaa durba bilaabay in ay xirtaan sidoo kale caro iyo dhagxaan dhigaan wadooyinka soo gala xarumaha Degmooyinka, waxaana Shalay la arkayay qaar kamid ah xarumaha Degmooyinka oo sare loo qaaday amaankooda.

 

 

Weerarkii ismiidaaminta ah ee Shalay Iyo doraad ka Kala Dhacay xarunta Degmada Wadajir Iyo Saldhiga Booliska ee Degmada Waaberi ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 25-qof oo u badnaa dad shacab ah Iyo Ciidamada, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay masuuliyiin katirsan maamulka Degmada Wadajir uu ku jiro Gudoomiyaha degmadaasi.

Comments are closed