Amaanka magaalada Muqdisho oo la adkeeyay iyo wasiirada IGAD oo ku qulqulaya caasimada Soomaaliya
Muqdisho Jan 10, 2014(SDN/QJ)-Meliishaadka dawlada Soomaaliya ayaa xiray qeybo ka mid ah caasimada Soomaaliya oo lagu qabanayo shirka Wasiirada Arrimha Dibedda ee urur goboleedka IGAD.
Magaalada ayaa lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo gaafwareegaya aagaga ay ka dhacayaan kulamada shirarka.
Shirka ayaa lagu wadaa in looga hadlo arimo ay ka mid yihiin Amaanka iyo dhaqaaalaha dalalka ku bahoobay IGAD.
Shirka ayaa wax aka soo qeybgelayaa inta badan dalalka ay ciidamadu ka joogaan dalka Soomaaliya.
Shirkan oo ah mid caalemi ah ayaa waxa uu muhiimad gaara ugu fadhiyaa dawlada Soomaaliya oo u dhimaneysa in ay dunida ka dhaadhiciso in ay isbedel dhanka amniga ah ku tilaabsadeen.
Shirka ayaa ku soo beegmaya xili ay dawlada Soomaaliya ka dhex jirto ismarin waa ka dhashay soo xulida gollaha wasiirada Cusub.
SDN/QJ-Muqdisho