AlShabaab oo weerar culus ku qaaday ATMIS gudaha Soomaaliya
Muqdisho. 3 August, 2022. (QJ) Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Golweyn oo hoostaga degmada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada Uganda ee kamid ah howlgalka ATMIS iyo Al-Shabaab.
Dad goobjoogayaal ah waxa ay sheegeen in ciidamadda Uganda ee la weeraray ay tiro madaafiic ah ku garaaceen dhanka wadada ay ku yimaadeen kooxda weerartay, waxaana jira khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkan, walow aan tirada rasmiga ah la sheegi karin.
Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha ciidmada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee inta badan ayaa weerarada noocaan oo kale ah uu ka dhacaa degaannada ay Gobolka Shabeellaha Hoose kaga sugan yihiin Ciidamada dowladda & kuwa howlgalka ATMIS, iyadoo weerarkan uu ku soo aadayo todobaad kadib markii Shabaab ay qarax ku dileen gudoomiyihii magaalada Marko ee xarunta Sh.Hoose.