|

Alshabaab oo Gashay Magaalada Gaarisa iyo Wacdi ay ka Jeediyeen Masjid Weyn oo Gaarisa ku yaal

Gaarisa 21.May 2015 (SDN/QJ)- Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa muddo kooban ku sugnayd masaajid ku yaalla magaalada Gaarisa, odayaal ka tirsan deegaanka ayaa sheegay.
DAGAALKA ALSHABAABJihaadiyiinta ayaa la sheegay inay muddo labo saac ah u khudbeynayeen jamaacadii ku sugnayd masaajidka ka hor inta aanay ku noqon duurka oo ay markii hore ka yimaadeen.
Waxay cambaareeyeen dowladda Kenya waxayna dadka uga digeen inay xog la wadaagaan ciidanka ammaanka.
Bishii la soo dhaafay, kooxda Al-Shabaab ayaa dishay ugu yaraan 148 qof oo ku sugnaa goob jaamacad ah oo ku taalla Gaarisa.
Kooxda ayaa ku sugan Soomaaliya, balse waxay kaloo ku firfircoon tahay gudaha Kenya.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay billowday dagaal ka dhan ah Kenya tan iyo markii ciidanka Kenya ay galeen Soomaaliya dabayaaqadii 2011 si ay u wiiqaan awoodda kooxda.

Comments are closed