|

Alle ha u Naxariistee Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo Hargaysa Ku Geeriyooday,Madaxweyne Siilaanyo Iyo Hogaanka Xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye oo Tacsi u diray

Hargaysa 05. June 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 05-June-2017, Magaalada Hargeysa.

Marxuumku waxa uu door muhiima ka soo qaatay dib u xorayntii iyo dib u dhiskii dalka Somaliland, isagoo ka mid ahaa mujaahidiintii wakhtigooda u huray in shacbiga Somaliland u maanta ku naloodo xasilooni iyo nabadgelyo taam ah.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuum ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Geesta Kale Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro Iyo Gudoomiyaha ahna Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa Tacsi u diray Qoyskii,Qaraabadii Iyo Shacabka Somaliland ee uu Ka baxay alle naxariistiisii Jano ha ugu Deeqee Marxuun Maxamed Biixi Caalin (Ooto).

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Comments are closed