|

Allay Baday:Wiil 13-Jir ahaa Isagoo Deldelan Meydkiisa La Helay Iyo Shacabka Oo Weeraray Saldhigii Magaalada

Allaybaday:Feb,15,2015(SDN/QJ)-Shacabka Magaalada Allabay ee Deegaanka Wajaale, ayaa si weyn uga cadhooday Wiil 13-jir ahaa oo maalintii shalay meydkiisa laga helay Beer Halkaas ku taalla xilli uu geed kasoo deldelnaa.

edrWararka ayaa sheegaya in wiilka lagu dhex deldelay beer dhexdeed, shacabkuna ay cadhadii arrintaas ka dhalatay ku weerareen saldhigii ciidanka, iyagoo ku eedeeyey inaanu diyaar u ahayn sidii uu wax uga qaban lahaa ammaan darrada halkaas kajirta.

Dadkan mudaharaadaya ayaa waxay khasaare soo gaadhsiiyeen gaadiidkii ciidan iyo laanbadihii ku xidhnaa suuqa dhexdiisa, Dhanka kale dadkan ayaa shiiday oo jajabiyay gurii martida ee dhawaan xadhiga laga jaray iyo waliba gurigii gudoomiyaha allaybaday.

Taliyihii dagmada ayaan la hayn jaan iyo cidhib meel uu dhigay warka ayaa intaa ku daraya in uu fakaday oo uu dhuumasho ku joogo xafad kamid ah xafadaha allaybaday.

Ammaandarrada ayaa gebi ahaan beryahan dambe kusoo badanaysay Somaliland, waxana dilalku kusoo bateen Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa oo ciidamada ammaanka laftoodu toogasho ku laynayaan Dhallinyaro ay si gaar ah u badhtilmaameedsadeen.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed