Aljeria:Saciid Butafliqa oo ay walaalo yihiin Madaxweynaha Aljeria oo awoodihii Madaxtooyada gacanta u gashay
Al-Wadan June19,2013(SDN)-Wargayska Al-watan ee ka soo baxa caasimadda dalka aljeeriya ee Aljeris ayaa maalinimadii arbacada ee todobaadkan waxa uu baahiyey in saciid Butafliqa oo ah ninka ay walaalaha yihiin madaxweynaha dalka aljeeriya uu gacanta ku qabtay awoodo badan oo dawladdu lahayd tan iyo intii uu xanuunsaday walaalkii madaxweyne Cabdicasiis buutafliiqa. oo 27 bishii April ee sanadkan loo qaaday dhinaca dalka faransiiska si looga daweyyo xanuuno ka asiibay dhinaca maskaxda.
wargaysku waxa uu sheegay in saciid butafliiqa oo la taliye u ahaa madaxweynaha uu u muuqdo ama u dhaqmayo sidii uu yahay madaxweynaha soo beegan, isla markaana yahay ninka la xisaabtama mas’uuliyiinta dawladda, dhabarka dambena ka fadhiya hadalka aan marna damin ee ah (Madaxweynuhu wuu soo ladnaanayaa, waxana uu soo gudbiyaa talooyinkiisa iyo amaradiisa)) hadaladan oo aan maalin keliya ka hadhin wararka iyo warbixinaha dawladdu bixiso.
Wargaysku waxa uu ku eedeeyey Madaxweynaha walaalkii inuu qarinayo macluumaad khatar ah oo ku saabsan caafimaadka walaakii, isagoo aan waxa dhabta ah ee jira u bandhigin mas’uuliyiinta kale ee dawladda, xilli uu xanuunka madaxweynahu saamayn iyo raad ku yeelan karo mustaqbalka hogaamineed ee wadanka.
dhanka kalena wargayska Al Wadan waxa uu sheegay in awooaha dheeraadka ah ee uu la soo baxay siciid butafliiqa ay cadho iyo dareen ku dhalisay dhinacyada isbedel doonka iyo weliba hay’adaha ciidamada.